Kolding, 13-ka Nofeembar 2025 – Booliiska Sydøstjylland ayaa fiidnimadii Arbacada xiray qayb ka mid ah Stejlbjergvej iyo agagaarka Stejlbjerganlægget, kadib markii ay heleen war ku saabsan dhacdo loo sheegay inay tahay “haddimo halis ah”.
Afhayeenka booliiska, Arno Rindahl Petersen, ayaa sheegay in booliisku ay heleen wicitaan saacadu markii ay aheyd 17:48, kaasoo lagu sheegay in nin 24 jir ah laga mindiyeeyay caloosha.
“Dhaawaciisu ma aha mid khatar ah, noloshiisana halis kuma jirto,” ayuu yiri Petersen.
Ninka dhaawacmay oo sheegay labo qof
Ninka dhaawacmay ayaa loo qaaday isbitaalka si loo daaweeyo, waxaana booliisku qorsheynayaan inay dib u wareystaan maanta Khamiista, maaddaama faahfaahinta kiisku wali aanay caddayn.
Booliisku waxay sheegeen in ninka uu tilmaamay laba nin oo uu ku sheegay inay isku dhaceen ama ay yihiin kuwa dhaawacay. Hase yeeshee, dhacdadu wali waa mid baaris ku jirta.
Baadi-goob ay booliisku bilaabeen.
Fiidnimadii Arbacada, booliiska ayaa adeegsanayay eeyo raadraaca iyaga oo baaraya barxadaha beeraha iyo waddada, si ay u helaan caddeymo lagu xoojinkaro kiiska. Dad deegaanka ah ayaa sheegay in ay arkeen ninka dhaawacmay oo ambalaas lagu qaaday.
Booliisku waxay sidoo kale u yeedhayaan markhaatiyaal kasta oo laga yaabo inay wax ku arkeen agagaarka Stejlbjergvej 24 iyo Stejlbjerganlægget abaara 17:45.
Degane: “Meesha caadiyan waa mid deggan”
Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay inuu arkay baabuurta booliiska iyo ninka la qaaday, isagoo tilmaamay in jardiinkoodu uu caadiyan yahay meel “deggan oo qurux badan”.
Waddada iyo jardiinooyinka oo la xiray in ka badan saddex saacadood ayaa dib loo furay 20:40 fiidnimo, balse booliisku waxay sheegeen inay baaritaanka sii wadaan, iyadoo weli aan la sheegin halka saxda ah ee mindidu kaga dhacday ninka.