KOLDING (Radio Hormuud) – Maxkamadda magaalada Kolding ayaa maanta oo Arbaco ah xukun ku ridday nin 44 jir ah oo ka shaqaynayay xarun daryeel, ka dib markii lagu helay in taxadar la’aantiisa ay sababtay dhimashada nin 42 jir ah oo qabay xanuunnada Down Syndrome iyo Autism.
Dhacdadan oo aad looga naxay ayaa dhacday bishii Janaayo ee sannadkii 2024, markaas oo ninka dhintay uu ku gubtay biyo aad u kulul (60 darajo) xilli uu ku jiray spa bad ( berkada biyaha diirran wareejisa) ee xarunta daryeelka Centervej ee magaalada Kolding.
Maxay maxkamaddu ku dhistay xukunka?
Garsooreyaasha maxkamadda ayaa isku raacay in ninka shaqaalaha ah uu muujiyay taxadar la’aan horseedday dhimasho (uagtsomt manddrab). Maxkamaddu waxay xustay dhowr qodob oo muhiim ah:
-
Tijaabinta biyaha: Shaqaaluhu ma dareemin mana tabin kulaylka biyaha ka hor dhimashada ninka bukaanka ahaa.
-
Akhrinta Display-ga: Waxaa la tilmaamay inuu shaqaaluhu heli karay fursad uu ku eego shaashadda (display) laga xakameeyo kulaylka, balse uusan sidaas sameyn.
-
Kulaylka biyaha: Biyaha ayaa gaarayay 60 darajo, halka ninka shaqaalaha ah uu moodayay inaysan ka badan karin 38 darajo.
Bukaanka geeriyooday ayaan lahayn dareen xanuun oo la mid ah dadka caadiga ah (high pain threshold), taas oo keentay inuu dareemi waayo kulaylka biyaha ilaa ay nabarro halis ah ka soo gaareen jirkiisa, kuwaas oo markii dambe uu u geeriyooday isbitaalka Rigshospitalet.
Ciqaabta lagu xukumay
Maxkamaddu waxay ninkan ku xukuntay:
-
Ganaax lacageed: 20 maalmood oo min 300 oo krone ah (Wadar ahaan 6,000 DKK).
-
Bixinta kharashka dacwadda.
In kasta oo xeer-ilaalinta iyo garsooruhuba ay qireen in ninka shaqaalaha ah uu ahaa qof naxariis badan oo shaqadiisa jecel, haddana waxay ku adkaysteen in daryeelka aadanaha looga baahan yahay feejignaan dheeri ah oo looga hortagi karo masiibooyinka noocan oo kale ah.
Doodda qareenka difaaca iyo racfaanka
Qareenka difaacayay ninka shaqaalaha ah, Glenn Verding Hein, ayaa ku dooday in mas'uuliyadda aysan ahayn mid saaran shaqaalaha oo keliya. Wuxuu sheegay in xarunta daryeelka aysan siin shaqaalaha tababar ku filan oo ku saabsan sida loo isticmaalo spabad-ka.
Maadaama ganaaxu uu ka yar yahay 20,000 oo krone, sharciga Danmark ma oggola in si toos ah racfaan looga qaato, balse qareenka ayaa sheegay inay codsan doonaan oggolaansho gaar ah si kiiska loogu gudbiyo Maxkamadda Sare (Landsretten).
Radio Hormuud Kolding Wararkii ugu dambeeyay ee deegaanka iyo Soomaalida Danmark.