KOLDING: Waxaa kor u kac weyn uu ku yimid tirada ganaaxyada baarkinka (parkeringsbøder) ee laga bixiyo magaalada Kolding sanadkii tagay ee 2025. Sida ay muujinayaan xogaha rasmiga ah, cityassistenter-ka magaalada ayaa soo saaray ku dhawaad 4,000 oo ganaax, taas oo ah kororsi gaaraya 21% marka loo eego sanadkii ka horreeyay.
Maxaa sababay kororkan?
Maamulka gaadiidka ee degmada Kolding ayaa caddeeyay in kororkan uusan salka ku hayn sababo dhaqaale ama go'aan siyaasadeed oo lagu adkaynayo sharciga, balse ay jirto sabab kale oo farsamo.
Lise Nielsen, oo ah hoggaanka kooxda taraafikada ee degmada, ayaa tilmaantay qodobadan soo socda:
-
Isku-duubni ka wanaagsan hore: Sanadkii 2024 iyo bilowgii 2025, waxaa jiray shaqaale yari, balse hadda waxaa la kordhiyay saacadaha kormeerka la sameeyo.
-
Kormeerka galabtii iyo fiidkii: Maamulka ayaa dareemay in dadku ay jebiyaan sharciga baarkinka xilliyada galabtii iyo fiidkii marka ay ciidanka kormeerka ka yaraadaan waddooyinka, sidaas darteed waxaa la kordhiyay joogitaanka ciidanka xilliyadaas.
-
Cabashooyinka dadweynaha: Degmada ayaa heshay fariimo badan oo ka imanaya dadka deegaanka, kuwaas oo ka cabanaya baabuurta si khaldan loo dhigo oo xira jidka basaska iyo baabuurta gurmadka degdega ah.
Borchs Gård: Goobta ugu ganaaxa badan
Goobta baarkinka ee Borchs Gård ayaa ah halka ugu badan ee laga bixiyay ganaaxyada, iyadoo la qoray 439 warqadood oo jaalle ah. Lise Nielsen ayaa xustay in goobtan ay inta badan jahwareer ku keento darawalada, maadaama ay ku dhex jiraan aagag ay leedahay dowladda hoose iyo aagag ay maamusho shirkadda gaarka ah ee Oparko.
"Hadafkayagu ma ahan inaan lacag ururinno. Dröm-scenariogu (riyooyinkayaga ugu weyn) waa inaanan bixin wax ganaax ah haba yaraatee, waayo taasi waxay ka dhigan tahay inaan ku guulaysannay inaan wax ka beddelno hab-dhaqanka darawalada," ayay tiri Lise Nielsen.
Ma tahay ganacsi faa'iido leh?
In kasta oo ganaaxyadu kordheen, haddana degmada Kolding khasaare ayaa ka soo gaaray adeeggan. Sanadkii 2025:
-
Darawalada ayaa bixiyay qiyaastii 1.2 milyan oo krone.
-
Ku dhowaad 1 milyan oo lacagtaas ka mid ah waxaa loo wareejiyay Booliska Federaalka (Rigspolitiet).
-
Degmada Kolding waxaa ka soo gaaray khasaare gaaraya 800,000 krone, maadaama kharashka ku baxa bixinta mushaharka shaqaalaha kormeerka uu ka badan yahay dakhliga soo gala.
Radio Hormuud Kolding waxay kula talinaysaa dhamaan darawalada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada inay si weyn u eegaan calaamadaha baarkinka, gaar ahaan aagga Borchs Gård, si ay uga fogaadaan ganaaxyo aan loo baahnayn.