Loolanka siyaasadeer ee ka dhex qarxey Md Dani iyo ku xigeenkiisa Karaash

Madaxweynaha ku xigeenka maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo wareegtooyin magacaasi iyo xil ka qaadis isugu jiray soo saarayay dhawaanahaan ayaa dhalisay khilaaf balaaran oo hareeyay dowlad goboleedka Puntland xilli madaxweynaha maamulkaasi uu ku suganyahay Muqdisho, isaga oo u sharaxan xilka madaxweynenimada Soomaaliya.

Shanti bishaan May ayuu ku simaha madaxweynaha Puntland xil ka qaadis ku sameyay saddex kamid ah golaha wasiirada maamulkaas isaga oo sidoo kalana saddex wasiir oo kale u magaacabay jagooyinkaas. Balse illaa hadda lama oga dhaqangalka isbadelkaasi.

Madaxweyne Deni oo mar sheegay in maadaamaa uu ku suganyahay gudaha Soomaaliya uu isaga weli gudanayo xilkiisii madaxweynenimo ee Puntland ayaanan ka hadlin isbadelada wasiiradda ee uu Kharaash sameeyay.

Wasiirada xilka laga qaaday waxaa ka mid ah maaaliyadda Xassan Shire Abgaal, wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo wasiirkii amniga Cabdisamad Gallan.Balse xil ka qaadistaassi ma dhaqan galin oo wali wasiiradu howshooda ayay wataan ilaa iyo hadda madaxtooyaduna arrintaas kama aysan hadlin.

Aragtiyada kala duwan ee khilaafka

Qaar kamid ah nabadoonada iyo waxgaradka gobolka Mudug ayaa dhankooda ka soo horjeestay xil ka qaadista madaxweynaha ku xigeenka Puntland uu ku sameeyay wasirradda. Qoraal kasoo baxay nabadoonnada ayaa lagu sheegay in tallaabooyinka madaxweyne ku xigeenka Puntland uu qaadayo ay wax u dhimi karaan Puntland.

Cuqaashaasi waxaa kamid ahaa Suldaan Cabdinuur Faarax Xade oo BBC-da u warramayay ayaa sidaan yiri mar uu ka hadlayay baaqa ay soo saareen:-" Baaqu wuxuu ahaa madaxweyne ku xigeenkka Puntland baan u soo jeedinay innaga ah nabadoono, siyaasiin iyo dad wax-garad ah arrimaha uu ka wado Puntland in aysan ahayn wax u wanaagsan nidaamka Puntland u dhigan iyo nidaamka loogu tala galay madaxweyne ku xigeenka midna." Dhannkiisa guddoomiyaha ururada bulshada rayadka ee Puntland ee PUNSA Faysal Axmed Warsame, ayaa sheegay in waxa la isku hayo uu yahay dastuurka oo qolaba dhankooda aaminsanyihiin in iyagu saxanyihiin.

Wuxuu sheegay in is qabashada madaxweyne iyo ku xigeenkiisu aaney Puntland ku cusbayn oo horey waxaa is qabtay Allaha u naxariistee madaxweynihii hore Cabdullaahi Yusuf iyo ku xigeenkiisa Maxamed Cabdi Xaashi. Faysal wuxuu aaminsanyahay in khilaafka Deni iyo Karaash uu salka ku hayo isa sharraxaadda Saciid Cabdullaahi Deni ee madaxtinimada Soomaaliya taas oo keentay inuu ka maqanyahay Puntland.

"Runtii arrinkaan waa khilaaf ku saabsan xagga sharciga tafsiirka sharciga ayaa la isku hayaa." Ayuu yiri aysal Axmed. Wuxuu intaas ku daray in arrintaan ay u baahantahay in heshiis laga gaaro inta aaney sii fogaan taas oo laga doonayo sida uu isagu qabo baarlmaanka iyo hay'adaha garsoorka.Tallaabooyinka uu qaaday Karaash gaarahaanna xil ka qaadista wasiiradda ayaa dadka qaar u arkayeen inay keeni karto isku dhac iyo khalalaase amni.

"Waxaan filayaa madaxweyne ku xigeenku waa nin muddo dheeer dalka usoo shaqeyay madaxwynahana isaga ayaa hadda loo dhaariyay mas'uuliyadda Puntland,marka waxaan filayaa inay wada shaqeeyaan". Ayuu yiri mar kale guddoomiyaha ururada bulshada rayadka ee Puntland.

Waan-waanta socota

Guddi ka kooban dhowr iyo toban xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka maamul goboleedka Puntland ayaa magaalada Bosaaso kula kulmay madaxweyne ku xiigeenka ahna ku simaha madaxweynaha Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash), si ay xal ugu gaaraan khilaafka u dhaxeeya isaga iyo madaxweyne Deni.

Maxamed Axmed Cabdi Xaraf oo ka mid ah xubnaha xildhibaannada ah ee la kulmay madaxweyne ku xigeenka ayaa BBC-da u sheegay in ay u sheegeen Axmed Karaash in Puntland tahay baarlamaani isla markaana arrimaha jira hoos loo dheemayo uuna madaxweyne ku xigeenku ku laabto magaalada Garoowe.Wuxuu sheegay Maxamed Axmed in wali ay u socdaan kulamo looga sii wadahadlayo arrimaha taagan.

"Is-hayntu waxay koley ka timid shaqada socota khilaafyo salka ku hay Dastuurka Puntland-na waa baarlamaani guddiga yaguna wuxuu ka yimid talo baarlamaanku ku yeeshay Garoowe waxaana sheegayaa in arrintu hadda aad u wanaagsantahay". ayuu yiri

Khilaafkii horey u dhexmaray labada mas'uul

Intii lagu guda jiray Sanadkii 2020-ka Waxaa soo shaac baxay khilaaf soo shaaciddiisa kohor la hadal hayay inuu u dhexeeyo madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Deni iyo kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash).Khilaafkooda ayaa salka ku hayay xilligaas kala lahaanshiyaha awoodaha maamul ee labada mas'uul.

Karaash ayaa ku eedeeyay waqtigaas Deni in aanu kala tashan magacaabis uu sameeyay oo isugu jirtay taliyeyaal ciidan iyo wasiirro.Madaxweyne kuxigeenka oo waraysi gaar ah siiyay maalmihii khilaafku taagnaa BBC-da laanta Af-Soomaaliga ayaa sheegay in khilaafkooda uu gaaray heer aysan saalanta iska qaadin llabadoodu kuwaa oo ku wada shaqeeya dhismaha madaxtooyada Garowe.

Khilaafka labada nin ayaa baryahaas bannaanka yimid kadib markii 14-kii bishii May uu madaxweyne kuxigeenka kasoo horjeestay magacaabistii taliyaha iyo taliye kuxigeenka madaxtooyada Puntland oo uu magacaabay madaxweyne Deni.Mudane Karaash ayaa sheegay in aan lagala tashan magacaabistaasi.

"Waxaan qoonsaday [magacaabista] taliyaha madaxtooyada. Madaxtooyadu waa meel naga dhaxaysa oo aan u wada shaqo tagno, wada joogno, wada maamulno. Madaxweynuhu markuu wiilkiisa keensaday, wiilkii aan anigu keenayna uu meeshii ka eryay, marka dee meel la isku haleyn karaba ma ah," ayuu BBC-da u sheegay Axmed Karaash.

Xafiiska madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni oo aan u bandhignay eedeymaha loo jeediyay xilligaas ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo.Deni iyo Karaash ayaa ku guuleystay doorashadii baarlamaanka Puntland ka dhacday 8-dii January sanadkii 2019-kii.

 

xigasho BBC

Category