Madaxweynaha Jsl Oo Sameeyey Xilka Qaadis,Magacaabid Iyo Beddel

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo Xilka qaadis, beddel iyo Magacaabid ah ku sameeyey qaar ka mida mas’uuliyiinta xukuumadda. Wareegtada uu soo saaray Madaxweynaha Somaliland oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska Warqabadka Radio Hormuud ee Magaalada Hargeysa ayaa  u dhignayd: –

Wareegto Madaxweyne

UJEEDDO: XIL KA-QAADIS

1.Axmed Cige Maxamed Geeddi;

Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Hawd

2. Axmed Cismaan Xasan Cilmi;

Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Sanaag

3. Axmed Xasan Cabdi Carwo;

Agaasimihii Guud ee Hore ee Baanka Dhexe

4. Maxamed Sheekh Faarax Cumar,

Guddoomiyihii Hore ee Guddida Maamulka Hay’adda Dekedaha iyo Free Zone

5. Abiib Xaamud Jibriil,

Xubin Hore Guddida Maamulka Sare ee DP World Berbera

Waxaanu madaxweynuhu wareegtadaasi ku yidhi “Mudaneyaal

Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilkii aad hore ugu hayseen Qaranka.”

Sidoo kale, waxa Madaxweynuhu soo saaray wareegto  magacaabis ah waxaanay u qornayd sidan:-

UJEEDDO: MAGACAABID

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

Tir Magaca Xilka

1 Maxamed Cilmi Ahmed Maxamuud Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex

2. Maxamed Diiriye Xayd Nuur Guddoomiyaha Gobolka Daad-madheedh.

3 Maxamed Cilmi Xuseen Axmed Guddoomiyaha Gobolka Sanaag.

4. Axmed Yaasiin Maxamed Faarax Guddoomiyaha Gobolka Hawd.

5. Maxamed Cabdillaahi Ibraahim Xujaale Guddoomiyaha Gobolka Togdheer.

6. Mukhtaar Cabdi Quule Maxamuud Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe.

7. Siciid Shugri Xuseen Cali Guddoomiyaha Guddida Maamulka Hay’adda Dekedaha iyo Free Zone.

8. Axmed Xaaji Daahir Cilmi Ducaale Xubin Guddida Maamulka Sare ee DP World Berbera.

9. Jaamac Xaaji Axmed Cabdi Muuse Xubin Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka.”

 

Category