Madaxweyne Farmaajo oo la hadlay xildhibaannada golaha shacabka

Muqdisho (RH)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goordhow la hadlay xildhibaannada golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxa uu ka codsaday in ay ka laabtaan go'aankii muddo kordhinta dalkana uu aadayo doorasho.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale awoodda doorashada ku wareejiyay raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxaana uu ka warbixiyay xaaladda dalka.

Khudbadda madaxweynaha kaddib, xildhibaannada ayaa cod u qaaday codsiga madaxweynaha waxaana la sheegay in xildhibaannada ay oggolaadeen in dib loogu laabto heshiiskii 17-kii September.

140 xildhibaan oo kulanka joogay ayaa u codeeyay in dib loogu laabto heshiiskii September ay gaareen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goballeedyada.

Si kastaba, dad badan ayaa dhowrayay khudbadda madaxweyne Farmaajo, kadib markii laga soo horjeestay muddo kordhinta labada sanno ee hey'addaha dowladda, waxaana magaalada Muqdisho ka dhacay rabshado ay dad ku dhinteen.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category