Magaalada Hargeysa Oo Lagu Qabtay Xuska Maalinta Boosaha Ee Caalamka.

Hargeysa(RH):-Waxaa magaalada Hargeysa lagu qabtay xaflad lagu xusayey xuska Maalinta Boosaha Caalamka, oo aduun-weynaha looga dabaal dago 9 October, oo maanta ku beegan.

Xafladdaasi oo ay si heersare ah u soo agaasimeen mas’uuliyiinta wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Boosaha ee Somaliland, Agaasimaha waaxda Boosaha ee wasarada Boosaha iyo isgaadhsiinta ee Somaliland Maxamed c/kariim xirsi ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddada xafladaasi daaran tahay.

Waxaanu sheegay in waaxdaasi Boosaha uu madaxweynaha Qaranka Somaliland Md-Buuse Biixi Cabdi uu yagleelideeda lahaa isla markaana uu ku soo kordhiyey wasaradaasi isgaadhsiinta iyo boosaha, kaddib markii uu akray baahida loo qabo waaxdaasi ayuu yidhi , iyadoo agaasimaha waaxda boosuhu tilmaamay in maanta ay la dabaal dagayaan xuska munaasibadaasi boosaha caalamka, halka uu sidoo kalena sharaxaad uu ka bixiyey in adeegga boosaha uu dalku xilgan fican yahay, isla markaasina adeega boosaha qiimo jaban loogu soo qaado muwaadiniinta dalka dibadiisa alaabooyinka ka keenaya, iyadoo ay wasaraddu ku shaqeyso siyaasadda qaranka Somaliland iyo xeerka isgaadhsiinta iyo boosaha ,waxaanu agaasimaha waaxada boosuhu xusay in qof kastoo muwaadin ah cadaadis aan lagu sareynin dhinaca sharciga, balse dhinaca shuruucdu ay yihiin marjic loo noqdo.

Geesta kale, waxa uu balan qaaday in gobolada wadankana mas’uuliyinta wasaradaasi boosuhu ka furi doonaan waaxda adeegga boosaha si bulshada looga haqab tiro adeegga boosaha iyo in alaabooyinka loogu keeno qiimo jaban.

Dhankiisana lataliyaha wasiirka isgaasiinta iyo boosaha Somaliland Xasan Faahiye oo xafladaasi ka hadlaayey ayaa ka xogogaal waramay baahida wadankeenu u qabo tiknoolajiyada casriga ah, si dalku uu ula tartamo adduunka, waxaanu shaqaalaha wasadaasi isgaadhsiinta iyo boosaha ku bogaadiyey sida wacan ee ay bulshada ugu adeegayaan, halka uu kula dardaarmay shirkadaha waddaniga ah ee ay wado shaqeynta leeyihiin in wixii awaamiir ah ee la faro ay sideeda u fuliyaan.

Category