Magaaladda Hargeysa Oo Abaal-Marino Lagu Guddoonsiyey Guulaysteyaashii Tartankii Hal-Abuurka Tiknoolajiyadda Somaliland

Hargeysa(RH):-Waxaa magaaladda Hargeysa ka qabsoontay munaasibad lagu abaal marinaayey guulaysteyaashii ku guulaystay tartanka Hal-abuurka Tiknoolajiyadda oo muddooyinkii ugu dambeeyey ka socday magaaladda Hargeysa.

Tartankan Tiknoolajiyadda oo ay iska kaashadeen wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland iyo Bangiga Primier Bank ayay ku tartamaayeen 13 tartame.

Munaasibadan lagu abaal marinaayey guulaysteyaasha waxa kasoo qayb galay xubno ka tirsan Golaha wasiiradda Somaliland iyo masuuliyiin kale, waxaana ugu horeyn munaasibadan ka hadashay Agaasimaha Guud ee wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Aamina Xuseen Maxamuud oo ka warantay waxyaalaha laga faa’iiday tartankan.

Guddoomiyaha Bangiga Primier Bank  Nuuradiin Cabdi Cilmi oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in caalamka lagu kala horumaray sida loo adeegsado Tiknoolajiyadda, isaga oo sidoo kalena ka sheekeeyey adeegyadda kala duwan ee Baanka Primier Bank uu bixiyo.

Waxa iyaguna munaasibadan hadalo kasoo jeediyey wasiirrada wasaarradaha Warfaafinta,dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Md Saleebaan yuusuf Cali Koore ,Macdanta iyo Tamarta  Md Jaamac  Xaaji Maxamuud Cigaal,  Horumarinta Maaliyadda Md Sacad Cali Shire iyo  Maalgashiga Md Maxamuud Axmed Cawad,waxaanay ka sheekeeyeen taariikhdii kala duwanayd ee ay Somaliland kasoo martay isticmaalka Tiknoolajiyadda,iyaga oo usoo jeediyeen shacabka reer Somaliland, gaar ahaana dhalinyaradda reer Somaliland in ay  hab horumar keenaaya uga faa’idaystaan Tiknolajiyadda.

Ugu dambayna waxa halkaas ka hadlay Wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Dr Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Suufi oo ka warbixiyey halkii uu ka yimid fikirka lagu hal abuuray tartankan Hal abuurka Tiknoolajiyadda,waxaanu tilmaamay in ujeedada laga lahaa ay tahay in ay laamaha dawladdu ka faa’idaysan karaan Tiknoolajiyga kala duwan.

 

Category