Maxaa keenay in la kala diro golaha baarlamaanka ee dalka Kuwait?

QAAHIRA  (RH)- Dawladda Kuwait ayaa kala dirtay golaha baarlamaanka ee dalkaas, waxaana dhaxal-sugaha boqortooyada Kuwait uu ku baaqay in la qabto doorashooyin guud oo wakhtigoodii laga soo hor mariyey, si looga baxo qalalaasaha siyaasadeed ee curyaamiyey dawladda dalkaas ka arrimisa.

Khudbad uu ka jeediyey telefiishanka dawladda ayuu Sheekh Meshal al Ahmed oo 81 jir ahi ku sheegay in qoyska talada hayaa ay ixtiraamayaan dastuurka dalka Kuwait ee awoodda badan siinaya baarlamaanka dalkaas, ayna tahay in talada dib loogu celiyo shacabka si ay u muujiyaan rabitaankooda.

Golaha Wasiirada ee dalkaas ayaa laba bilood ka hor isku casilay ka dib khilaaf ka dhex curtay golaha Baarlamaanka, taasoo curyaamisay shaqadii dawladda. In ka badan 12 xildhibaan oo reer Kuwait ah ayaa todobaadkii hore ka bilaabay gudaha xarunta baarlamaanka olole ay ku doonayaan in la soo dhiso xukuumad cusub, si looga baxo qalalaasaha siyaasadeed oo keenay dhaqaale xumo taabatay guud ahaan noloshii dalkaas.

Xiggasho: VOA

Category