Maxaa lagu arkay xayawaanka Soomaaliya laga helo ee loo dhoofinayo si lacag badan loogu iibsado?

Hargeysa (RH)-Taliska booliska iyo mas'uuliyiinta wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa soo bandhigay xayawaanno si sharci-darro ah looga dhoofinayay garoonka diyaarada.

Xayawaannadaas waxaa ka mid ah mid lagu magacaabo "Caasho-badhi" oo si gaar ah looga helo waqooyiga Soomaaliya iyo meelo ka mid ah dalka Itoobiya.

Ciidanka garoonka Hargaysa ayaa gacanta ku dhigay nin kasoo jeeda dalka Masar oo lagu eedeeyay dhoofinta xayawaannadaas oo uusan fasax u haysan.

Afhayeenka booliska Somaliland, gaashaanle sare Faysal Xiis, oo shir jaraa'id qabtay ayaa sheegay in aysan ahayn markii ugu horraysay ee la qabto dad si aan sharciga waafaqsanayn u dhoofinaya xayawaanka deegaanka iyo kheyraadka.

"Waxaa baryahan nagu soo noqnoqotay in kheyraadkii dalkeenna la isku dayo in la gurto, kaasoo ay guranayaan dad ajaanib ah.

"Nasiib-wanaag ciidanka booliska isagoo arrintaas ka hortagaya wuu qabtaa, xayawaankaasna waxaa ka mid ah Diimanka, Caasha-badhiga, tirxiga, shimbiraha iyo ugaadha kala duwan sida Haramcadka, waana markii saddexaad oo uu boolisku garoonka diyaaradaha ku qabto muddo kooban gudaheed."

Waxa uu afhayeenku sheegay in kiiskan ay maxkamadda gayn doonaan, isagoo digniin u diray dadka ka shaqeeya dhoofinta sharci-darrada ah.

"Dadka waxaas ku howlan waxaan u sheegaynaa in aanay alaabtaas si howlyar ugala bixi karin dalka," ayuu yiri.

Haddaba waxaa su'aal la iska waydiin karaa waxa uu yahay xayawaanka Caasha-badhi ee tirada badan looga dhoofinayay garoonka diyaaradaha ee Hargaysa. Maxaase lagu jeclaaday oo loo iibsadaa?

Muxuu yahay Caasha-badhi?

Waa xayawaan ka mid ah xamaaratada, gaar ahaan bahda mulacyada ee noocyada kala duwan leh.

Xayawaannada ay isku haybta yihiin waxa uu uga duwan yahay qaabka ay u samaysan tahay sayntiisa, oo u eg sida gaashaanka loo adeegsado dagaalka.

Waxaa markii ugu horraysay la arkay sanadkii 1935-kii, xilligaas oo uu askari ka tirsanaa ciidamadii gumaysiga Ingiriiska ka helay dhul saxare ah oo ka mid ah deegaannada kulul, sida lagu shaaciyay bogagga wax ka qora arrimaha xayawananada ee Backwater Reptiles iyo BION.

Soomaaliya iyo Itoobiya oo keliya ayaa laga helaa xayawaankan oo ka mid ah noocyada dhiigga qabow.

Ma aha xayawaan wayn. Dhirirkiisu waa 10 cm oo ay ku jirto seyntiisa cajiibka ah.

Maxaa loo xiisaynayaa?

Suuqyada online-ka haddii aad eegto waxaad arkaysaa bogag badan oo lagu kala iibiyo Caasha-badhida.

Halkii xabbo ee Caasha-badhi ah ayaa lagu iibiyaa qiyaastii $600, taasoo dabcan u muuqata inay tahay sababta ay dad badan u danaynayaan inay dhoofiyaan noolahan ay qaniga ku tahay Soomaaliya.

Mid ka mid ah sababaha loo xiisaynayo ayaa noqon karta maaddaama uu xayawaankan yahay mid dhif ah oo aan meelo badan laga helin.

Waxyaabaha kale ee uu gaarka la yahay waxaa ka mid ah in sayntiisa ballaaran ee u eg gaashaanka ay u tahay hub uu isku difaaco.

Marka uu godkiisa ku xaroodo waxa uu albaabka godka ku daboolaa seynta, waxa uuna sidaas uga nabadgalaa xayawaannada kale ee ay suurtagalka tahay inay ugaarsadaan.

Xiggasho: VOA

Category