Maxaa lagu xushay ninka Soomaaliga ah ee uu Joe Biden ka dhigay la taliyaha?

Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa nin Soomaali ah u magacaabay inuu Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaas u noqdo la taliyaha sare ee dhinaca dimuqraaddiyadda iyo xuquuqda aadanaha.

Xamse Warfaa ayaa qaxootinnimo ku tagay dalka Mareykanka isagoo da' yar sannadihii 1990-meeyadii. Waxa uu horay u ahaa ku xigeenka madaxa waaxda shaqada iyo horumarinta dhaqaalaha ee gobolka Minnesota.

Maxaa lagu xushay Xamse Warfaa?
Wareysi uu BBC-da siiyay ayuu Xamse Warfaa ku sheegay in uu horay ulasoo shaqeeyay Joe Biden, howlo baaxad lehna uu usoo qabtay.

"Ma aha markii ugu horreysay ee uu xiriir na dhex maro maamulka madaxweyne Biden, xilligii uu ku jiray tartanka siyaasadda, laga billaabo bishii saddexaad ee sanadkii 2020-kii, waxaan ahaa la taliyaha dhaqaalaha ee ololihii madaxweyne Biden, marka xiriir hore oo toos ah ayaan la lahaa.

"Mas'uuliyadda aan gobolkan ka hayo ayaa fursad ii siisay in aan waxyaabaha ku saabsan dhaqaalaha iyo caqabadaha la xiriira ka shaqeeyo. Fikradihii badnaa ee ay dowladdu hirgelisay waa kuwii aannu aasaasnay intii uu ololuhu socday," ayuu yiri.

Doorka cusub ee hadda loo xushay ayuu diiradda ku saari doonaa dhanka dimuqraadiyadda iyo xuquuqda aadanaha, isagoo kaalin weyn ka qaadan doona howlaha dowladda ay hoggaamiyaan xisbiga dimuqraaddiga, gaar ahaan arrimaha dibadda.

"Sidaan ognahay xilligan aan ku jirno waa mid xasaasi ah, isbadallo waaweyn ayaa ka dhacay gudaha Mareykanka, geeska Afrika iyo caalamka intiisa kaleba. Tani waa fursad qaali ah oo aanu ku hormarineyno dimuqraaddiyadda, islamarkaana ku xoojineyno xuquuqul insaanka.

"Bishii 12-aad ee sanadkii lasoo dhaafay madaxweyne Biden wuxuu qabtay shir weyn oo la yiraahdo shirka arrimaha dimuqraaddiga, wuxuu halkaas kaga dhawaaqay in sanadkan aynu hadda galnay ee 2022-ka uu noqon doono sanadkii ficillo dhab ah la sameyn lahaa si loogu xoojiyo dimuqraaddiyadda looguna xoojiyo xuquuqda aadanaha.

"Marka waan ku faraxsanahay inaan qayb ka noqon doono hirgelinta qodobbo waaweyn oo kasoo baxay shirkaas, oo qaar badan la hirgelin doono sanadkan," ayuu yiri isagoo la hadlayay BBC-da.

"Waa farxad gaar ii ah iyo mid guud oo ay ila wadaagaan dadka Mareykanka ah iyo dadka kasoo jeeda luuqaddan aan ku hadlayo. Waxaan si gaar ah uga mahad celinayaa bulshada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan farriimihii ay ii soo direen," ayuu yiri Xamse Warfaa.

Bishii April ee sanadkii 2019-kii ayaa Xamse Warfaa loo xushay inuu noqdo ku xigeenka madaxa waaxda shaqada iyo horumarinta dhaqaalaha ee gobolka Minnesota, isagoo diiradda saarayay sare u qaadista dhaqaalaha iyo shaqo abuurka.

Markii xilkaas loo magacaabay waxa uu noqday qofka keliya ee qaxooti Afrika kasoo jeeda ah oo dowladda Minnesota ka qabtay jagadii ugu sarreysay.

Waa aqoonyahan heysta shahaadada mastare-ka ee cilmiga maamulka hay'adaha iyo hoggaaminta oo uu ka bartay jaamacadda Springfield College ee gobolka Massachusetts. Sidoo kale waxa uu shahaadada heerka koowaad ka heystaa seyniska siyaasadda, oo uu ka bartay jaamacadda San Diego.

Sanadkii 2014-kii, Xamse waxa uu soo jiitay indhaha warbaahinta kaddib markii uu soo saaray buug uu ka qoray sida ay Soomaalida ugu safraan Mareykanka.

Xigasho: BBC

Category