Maxaa loo magacaabay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur?

Muqdisho (RH)- Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Talaado ah, siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame u magacaabay ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka mid ahaa 39 musharrax oo isku soo taagay xilka madaxweynaha doorashadii 15-kii bishan May ka dhacday Muqdisho oo uu ku guuleystay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale siyaasigan ayaa ka mid ahaa midowga musharrixiinta dalka iyo siyaasiyiinta sida weyn u mucaaradsanaa madaxweynihii horre Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo xilka wareejiyay Isniintii shaley.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka mid ahaa 39 musharrax oo isku soo taagay xilka madaxweynaha doorashadii 15-kii bishan May ka dhacday Muqdisho oo uu ku guuleystay madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna helay 15 cod.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu soo noqday wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga, ee dowladii kumeel gaarka ee madaxweynaha ka ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Wuxuu ka mid ahaa mas'uuliyiinta ugu sarreeyay Isbahaysiga ARS ee la heshiiyay dowladdii TFG Waxaa uu wax ku soo bartay dalalka Sudan iyo Malaysia.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category