Maxay ka wada hadleen Muuse Biixi & Madaxweynaha DDS?

Hargeysa (RH)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta qasriga madaxtooyada ee Magaalada Hargeysa waxaa uu ku qaabilay madaxweynaha dalwad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) oo safar ku jooga halkaas.

labada mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin, Amniga, Dhaqaalaha iyo xoojinta isku socodka xaduudaha maadaama ay wadaagaan xaduud dheer oo isku xirta Hargeysa iyo Magaalada Jigjiga.

Madaxweynaha dalwad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha Somaliland sida loogu soo dhaweeyay Hargeysa, wuxuuna balan qaaday inay xoojin doonaan xiriirka labada dhinac iyo wadashaqeynta ka dhaxeeysa.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhankiisa sheegay in Somaliland ay xiriir wanaagsan la leedahay dowladda Federaalka Itoobiya oo uu ka tirsan yahay Maamulka dowlad degaanka, ayna ka wada Shaqeyn doonaan arrimaha Amniga xaduudaha.

Madaxweyne Biixi Oo Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabilay Mustafe Cagjar

Xiggasho: Radio Daljir

Category