Maxay tahay sababta mucaaradka Dowlad Deegaanka Soomaalida ay u qaadaceen doorashada?

Guddida doorashada Ethiopia ayaa sheegay in lagu gudajiro wajigii u dambeeyay ee qabanqabada doorshada bishan 30-keeda dhacaysa goobo dalka ah.

Maamulada Soomaalida, Hererida iyo meelo aan laga codayn 21-kii June ayaaa ka mid ah goobahaas.

Ilaa 22 xisbi ayaa u tartamaya 47 kursi oo baarlamanka heer fedaraal ah iyo tiro kuraasta deeganada ah.

Balse xisbiyada mucaaradka ah ee Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaa qaadacay ka qaybgalka doorashadaas, iyaga sheegay in ay weli tabanayaan tuhunno ay hore u qabaan oo aan si habboon loo xallin.

Ibraahim Maxamed Hussein waa gudoomiye ku xigeenka xisbiga caddaaladda iyo sinaanta Dowlad Deegaanka, waxa uu BBC-da uga warramay waxa ay saluugeen iyo sida ay yeeli doonaan.

Xiggasho: BBC

Category