Meydka wiil Soomaaliyeed oo lagu gubay Jarmalka

Nairobi (RH)- Dad ku sugan Jarmalka ayaa xaqiijiyay in lagubay meydka Allaha u naxariisto Cabdirashiid Axmed Maxamed oo ahaa wiil dhallinyaro ah oo ku nool dalka Jarmalka.

Wiilkan ayaa meydkiisa laga helay 26kii bishii horre June webiga Neckar oo ah webiga ugu wayn dalka Jarmalka.

Sida ay noo sheegeen dad ku nool Jarmalka, dhowr maalin ayaa meydka wiilka waxa uu ku jiray webiga, balse markii dambe ayaa la helay oo laga soo saaray, waxaana muddo ku jiray talaajad si loo helo dadka ehelkiisa ama yaqaanna.

Xogta aan helnay waxa ay sheegaan in wiilkan uu noolaa magaalada Stuttgart ee dalka Jarmalka, waxaana uu ka mid ahaa dhallinyaro mardhow halkaas tegay.

Nasiib darro markii la waayay qof yaqaanna ayaa masuuliyiinta magaalada Stuttgart waxa ay go'aansadeen in la gubo meydkiisa.

Sidoo kale, waxa ay dad kale noo sheegeen in markii la ogaaday in la gubay meydka marxuumka in la helay dad yaqaanna oo deganaa magaalada Stuttgart.

Waa mid ka mid ah dhacdooyinka naxdinta leh ee ku dhaca dadka Soomaalida ee ku nool qurbaha marka ay dhintaan oo la waayo qof taqaanna in si ka duwan sida loo aaso meydka dadka Islaamka loo xurmeeyo lagula kaco.

Radio Hormuud

Studio 3

Nairobi-Kenya

Category