Muxuu yahay sumcad dilka Madaxweyne Sicid Deni lagu sameeyay?

Maalmahaan waxaa Baraha Bulshada ka socda weerar lagu sumcad dilayo Madaxweyne Sicid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Puntland kaddib markii uusan ku guuleysan doorashada xilka Madaxweynaha JFS iyo magacaabidda xilka RW Dowladda Federaalka. Weerarka sumcad dilka ee

Madaxweyne Sicid Deni waa maangaabnimo iyo ka been sheegid guusha laga soo hooyay isbeddelka lagu diirsaday ee ka dhacay doorashada hoggaanka Barlamaanka Federaalka iyo heerka Madaxweynaha JFS. 

Warka sheegaya in Madaxweyne Sicid Deni uu u sheegay Barlamaanka DG Puntland inuu ku khasaaray halgankii 3dii sano ee soo dhaafay loogu jiray isbeddelka ka dhacay Villa Soomaaliya waa mid aan la rumeysan karin, waayo halganka 3da sano socday wuxuu ahaa mid lagu doonayay doorasho heshiis lagu yahay si loo badbaadiyo Qaranka Soomaaliyeed. 

Sida lala wada socdo, Madaxweyne Farmajo iyo taagerayaashisa waxay ka shaqeeyeen carqalateynta doorashada siyaabo kala duwan oo ay ka mid tahay muddo kororsi xaaraan ah oo kacdoon hubeysan looga hortagay. Waxaa la gaaray in DG loo qaybiyo labo kooxood oo iska soo horjeeda, taaso curyaamisay wax ka qabashada nabadda iyo horumarka dalka muddo 3 sano iyo bar ah. Puntlant iyo Jubbaland waxaa lagu tilmaamay fallaago dowlad diid ah. 

Ka hortagga burburka dowladnimada Soomaaliya, waxay lagama maarmaan ka dhigtay soo ifbaxa ishabeysiga mucaaradka ay ku bahoobeyn dowlad goboleedyada Puntland, Jubbaland, Midowga Musharrixiinta Xilka Madaxweynaha JFS, iyo halgamayaasha ka welwelsanaa maamulxumada iyo burburka Qaranka Soomaaliyeed ee siyaasadda awood maroorsiga iyo ku takrifalka awoodda dowladda ee Farmajo iyo taagerayaashiisa ay sababta u aheyd. 

Gaar ahaan, farmajo wuxuu ka soo horjeeday musharraxnimada Sicid Deni  ee xilka Madaxweynaha DG Puntland, kaddibna wuxuu ku dhaqaaqay siyaasad iyo amar ku taagleyn uu uga soo horjeeday xilgudashada Madaxweyne Saciid Deni ee loo doortay Puntland. Wuxuu abaabulay inqilaab kedis ( xil ka qaadis) Barlamaanka Puntlant ku dhawaaqo. 

Madaxweyne Sicid Deni wuxuu fagaarayaal badan ka sheegay tacadiyada iyo xadgudubyada Farmajo ka geystay Puntland iyo dalka oo dhan iyo baahida loo qabo in Farmajo laga qaato xilka. 

Isbaheysiga mucaaradka kuma heshiis qorshe lagu qaybsanayo xilalka dalka heer barlamaan, heer Madaxweyne, iyo heer Ra’iisul Wasaare, waxaase lagu heshiiyay taageridda doorasho looga taqalusayo Farmajo iyo taagerayaashisa. 

Siyaasi kasta iyo qabiil kasta wuxuu haminayay inuu ku guuleysto doorashada, haseyeeshe waa adkeyd saadaasha natiijada doorashada. Welwelka ugu weyn wuxuu ahaa in Farmajo iyo taagerayaashisa guuleystaan, taaso dalka u horseedi laheyd qalalaase siyaasadeed. 

Madaxweyne Sicid Deni asagoo ku tashanaya fursado kala duwan ee taageraya suuragalnimada guushiisa iyo 38 kale ee Musharrax waxay ka qayb galeen doorashada xilka Madaxweynaha JFS. Musharrax kasta waxaa laga dalbaday inuu aqbalo natiijada doorashada. Haseyeeshe dadweynaha badan waxay ka soo horjeedeen doorashada farmajo oo dalka ka tuuray haadan 

Farmajo waxaa ka go’neyd in Madaxweyne Sicid Deni, Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamud, iyo RW Xassan Cali Kheyre oo ka mid ahaa 39 Musharrax aysan ku guuleysan doorashada xilka Madaxweynaha. 

Musharrax kasta wuxuu tartanka doorashada geliyay awooddiisa dhaqaale, sumcad, saaxibtinnimo, xodxodasho noocyo badan, iyo is dhisid shakhsiyadeed. Ugu dambeyn, doorashada xilka Madaxweynaha waxaa ku guuleystay Xassan Sheikh Maxamud. Waxaa dhacay in Xildhibanno badan u codeeyeen hab aan la fileyn sababo ilaa hadda la baarayo. 

Warar aan la xaqiijin waxay sheegayaan in Xildhibaanno loo tirinayay Madaxweyne Sicid Deni ku ballan fureen ama u codeeyeen Musharrax aan la fileyn. 

Waxaan shaki ku jirin in kaalinta Madaxweyne Sicid Deni ku leeyahay badbaadinta Qaranka ay marag ma doonto tahay, kuna sharfan yahay, taarikhdana uu baal dahab uga geli doono. 

Inta badan, sida waafaqsan nidaamka dowladda, waa adag tahay in musharraxa ku guuleystay tartanka xilka Madaxweynaha dalka, uu xilka RW u magacaabo Musharrax la tartamay oo ay ku kala aragti duwanaayeen barnaamijka hoggaaminta dalka. Wax ceeb ah ma laheyn in Madaxweyne Sicid Deni damco xilka Ra’iisul Wasaaraha. Sidaas oo kale wax xumaan ah kuma jirto in Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamud magacaabo shakhsi kale. Muhimadda waxay ku jirtaa wada shaqeynta Madaxda Dowladda Federaalka ku mideysan Madasha hoggaaminta Qaranka.

Weerarka ee sumcad dilka ah maangaabnimada ah ee lagu qaaday Sicid Deni wuxuu muujinaya: 

1. Aqoondarro ama tixgelin la’aan ujeedada iyo natiijada aan la hubin ee doorasho kasta. 

2. Mushkiladda is huwinta, isku dhex walaaqa dareenka iyo damaca qabiilka,  damacaha iyo danaha shakhsiga iyo cod bixinta fajaca ah ee Xubnaha Barlamaanka Federaalka oo dano badan hogaaminayaan. 
Waxaa la sheegaya in Musharraxiin  siiyay 120 Xildhibaan lacag cod iibsi ah, ay heleen 20-30 cod keli. 90-100 Xildhibaan oo qaatay lacag ayaa codkooda aan siin musharrixii ay lacagta ka qaateen. 

3. Daacad darrada iyo hagardaamada  u dhexeysa siyaasiinta beelaha kala duwan dhexdooda oo higsanaya dano iska soo horjeeda. Warar Baraha Bulshada tebinayaan waxay sheegayaan in xildhibanno laga soo doortay Puntlant ee Madaxweyne Sicid Deni ku tashanayay ay taageeren Musharrax Madaxweyne Xassan Cali Kheyre. 

4. Kalsoonidarrada lagu qabo heshiiska dhismaha dowladda federaalka oo beel walba dooneyso inay caynaanka hayso, haddii kale ay doorbideyso inay gooni u daaqdo. 

5. Fikradda is dhaxalka ah iyo fikradda wada dallacaadda. Fikirka ah in Farmajo beddelo Sicid Deni ma qof tilmaaman ma aheyn mid heshiis lagu yahay. Waa mid ku imaan kartay doorasho aan muran ku jirin. 

6. Khilaafka u dhexeeya madaxbannaanida DG isku filan iyo sugnaan la’aanta Mataaladda DF. 
Waa rajo cusub in Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamud hawl geliyay “Madasha Hogaaminta Qaranka (National Leadership Forum)” oo ay xubno ka yihiin Dowladda Federaalka iyo DG Xubnaha ka ah DF. Madasha waxay asaas u tahay midnimada iyo wada shaqeynta heerarka dowladda federaalka. 

Waa aragti gaaban ee loogu hiilinayo Farmajo in Madaxweyne Sicid Deni gooni loogu sooco  inuusan ku guuleysan doorasho ay ka qayb galeen 39 Musharrax iyo inaan loo magacaabin Ra’iisul Wasaare madaama uu ka mid ahaa Musharrixiinta. Guusha Madaxweyne Sicid Deni waxay tahay inuu wax ka badbaadiyay Qaranka Soomaaliyeed, isla markaana ka qayb qaatay dadaalka Soomaaliya looga  dulqaaday xukunka sharcidarrada ah ee farmajo iyo taagerayaashiisa. 

W/Q:Dr. Maxamud M. Culusow

-----------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------

Fallaadan kama turjumeyso aragtida iyo shaqada Radio Hormuud waxa ay gaar u tahay qoraaga ku lifaaqan

Category