KOLDING / AARHUS: Maxkamadda magaalada Aarhus ayaa bishan horaanteedii xukun adag ku ridday nin 26-jir Soomaali ah oo lagu helay dambi ah inuu saaxiibkiisii carruurnimo ku dilay toorey sannadkii 2024.
Faahfaahinta Xukunka
Maxkamadda ayaa ku dhawaaqday in Ahmed Abdirahman Ahmed lagu xukumay:
-
12 sano oo xabsi ah.
-
Masaafurin weligeed ah (In laga saaro dalka Denmark marka uu dhameysto xabsiga), iyadoo xusid mudan in ninkan uu Denmark degganaa tan iyo yaraantiisii.
Sidee wax u dhaceen?
Dilka ayaa dhacay 26-kii Juun, 2024, meel baabuurta la dhigto oo ku taal Grøfthøjparken ee degmada Viby J, koonfurta Aarhus. dhibbanaha oo ahaa 25-jir ay saaxiib ahaayeen eedeysanaha tan iyo carruurnimadii, ayaa u dhintay dhaawacyo halis ah oo ka soo gaaray toorey lagula dhacay wejiga, xabadka, dhabarka iyo gacmaha.
Caddaymihii Maxkamadda
Inkastoo eedeysanuhu uu ku dooday inuu is-daafacayay (noodværge), haddana maxkamadda ayaa ku gacan-sayrtay sheegashadaas ka dib markii la helay caddaymo xooggan:
-
Muuqaal laga helay gaari Tesla ah: Muuqaal qarsoodi ah oo laga helay kaamirada gaari Tesla ah oo goobta yaallay ayaa muujiyey eedeysanaha oo eryanaya dhibbanaha.
-
Markhaatiyada: Dad goob-joogayaal ah ayaa bixiyey marqaatiyo is-waafaqsan.
-
Hadalladii Eedeysanaha: Xilligii su’aalaha la weydiinayay, Ahmed ayaa booliska ku yiri: "Anigu had iyo jeer waxaan ahay nooca haddii aan toorey soo bixiyo, u soo bixiya inaan wax dilo." Hadalkaas oo ka hor imaanayay dooddiisii ahayd inuu is-daafacayay.
Xaaladda hadda
Ahmed Abdirahman Ahmed ayaan ku qancin xukunka, wuxuuna durbaba racfaan u qaatay Maxkamadda Sare (Landsretten) isagoo dalbanaya in la cafiyo.