Noqo qof waxtar leh – qofka naftiisa wax u tari kara ayaa dadkana wax u tari kara


Inta aadan bulshada wax u tarin marka ugu horaysa waa in aad tahay qof naftiisa wax u tari kara.  Taasi waxaan ula jeedaa in aad naftaada marka koowaad aad dhisto oo aad waxbarato. Waxbarshada ma’ahan mida inta badan dadka ay u yaqanaan oo ah in aad iskuul ama jaamacad dhammayso.

Dad badan ayaa jiro ayagoo aan cilmi baran hadana dadka kale wax u tara. Waa sax waxaa muhiim ah in aad barato diintaada oo aad maadigana baratoo iskuul ilaa heer jaamacadeed.  Wey dhici kartaa daruufo jiro awgeeda in aadan wax baran taasi micnaheeda ma’aha in aadan wax tari karin dadka kale.

Waxtarka wuxuu noqon karaa mid aakhiro iyo mid adduunyo bini’aadamka wax u tara.  Dadka waxaa ugu nacfi badanaa Ambiyada iyo Rususha illaahay, waayo illaahay ayaa usoo dhiibay wax ay aaddanaha ku bad baadin lahayeen adduun iyo aakhiroba.

Waxtarka waxaa lagu garaa in aad adiga marka koowaad wax isku tarto, taasi waxaan ula jeedaa haddii aad tahay qof asaga markasta dadka ku tiirsan, way adagtahay in aad adiga dadka kale wax u tarto. Waa sax qofkastaa u baahan in wax lataro oo nolasha aaddanaha waa mid isku tiirsan, laakiin waxaan ula jeedaa in aadan ahaan mid markasta dadka ku tiirsan oo aad noqoto qof naftiisa wax u tara si uu bulshada waxa ugu taro.

Soomaalida waxay ku maahmaahdaa,

”tiisa daryeelaa tu kale ku daro”.

Machaheeda waa naftaada marka aad daryeesho ayaad tu kale daryeeli kartaa, qofaan tiisa kasoo bixin tu kale tawar uma heli karo. Iskadaa islaamkee taariikhda waxay xustay dad gaallo ah oo waxtar leh,  sidii Inbu Daqin waa nin gaal ah, oo mar celiyey Abuubakar  saxaabigii waynaa oo Mako isagoo tagi rabay xiligii islaanka uu yaraa oo aadka loo dhibi jiray asagoo leh Abuubakarow nin la cayriyo ma tihid oo waxaad tahay nin tolkiisa wax badan taray ee anigaad ii magan tahay laabo.

Wax tarka dadka waa in uu noqda mid dadka adduunkiisa iyo aakharadiisaba anfaco. Qofka Waxtarkiisa waxay ka bilaabataa in uu masuuliyadiisa ka soo baxo kadib ayuu ku dari karaa inta uu awoodo iyo in ka badan.

Dad ayaa jira bulshada waxtara laakiin ah kuwa dayacay massuuliyadahooda u gaarka ah.  Taasi waa qalad wayn, waayo qofkaas wixii uu masuul ka yahay maalinta khiyaamaha waa lagula xisaabtamayaa.  Waxtarka waa wax muhiim ah oo adiga xittaaa ku anfacaayo adduunyadaada iyo akhiradaadaba oo xadiisyadaan soo socdo ayaa sharxi doono.

Nabi Maxammed (NNKH) wuxuu yiri “Dadka waxaa u qeer badan kan ugu waxtarka badan”.

Nabiga (NNKH) ayaa nin u yimid wuxuuna waydiyey dadka ku wee buu  Alle ugu jecelyahay, acmaashee buu illaahay ugu jecelyahay?

Nabi Maxammed (NNKH) wuxuu ugu jawaabay xaddiiskaan “dadka wuxuu ilaahay ugu jecelyahay kuwa dadka ugu waxtarka badan” Acmaasha loogu jecel yahay waa qof muslim ah oo aad ka farxiso, dhib heesto oo aad ka feedid, deen aad ka gudid, ama gaajo aad ka quudisid”

Nabi Maxammed (NNKH) ayaa dhahay “in aan qof  muslim ah si aaan bahidiisa ula gudo raaco ayaan ka jeclahay in aan masjidkayga aan bilk ku qalwoodo (ku ictikaafo).

“Qofka caradiisa qarsada asagoo awoodi kara in uu aarguto kaana ilahay qalbigiisa raali ahaanshiyo ayuu ka buuxiyaa maalinta qiyaamaha.”

“Qofka walaalkii raaca ee xaajadiisa inta uu ka gudanaayo la jooga isagana maalinta qiyaamaha oo aan sukmi Karin qalbiyada ayuu alle qalbigiisa sugaa”.

Intaas axaddiis aan soo sheegay waxay ka hadlayaan ahmiyada ay leedahay in aad noqoto qof wax tar leh. Qof kasto haddii uu qabto shaqada inta ku beegan, nolasha waa wax fudud oo la maareen kara, laakiin dadka haddii ay fadhiistaan oo ay dad gaar ah wax qawad ka sugaan ama ha qabtaan dhahaan waa dhib umadaasna waligeeda ma hormarayso sida Soomaaliya oo kale oo adduunka wax ka sugta ka dibna dhahda ‘waddan hebel iyo hebel ayaa naqasaayo.

Waxaa fiican inaan isweydiino dowladaha kale ma annagaa wax u dhiibanay, qowmiyadii kaligeed aan wax qabsan ama wax isku tarin wax walbaa laga sameystaa.

Tusaalle, Nabiga (NNKH) marka uu joogay saxaabada diinta ayuu u sheegay ayagana way sii gudbiyeen oo ma fadhiisan Nabigaa jooga ma dhihin sidaa awgeed dhammaantooda shaqo ayey wada haayeen.  Mid walbo waxa uu garanaayay ayuu qabtay, sida mid dagaal aada mid dagaalka hoggaamiya tusaale Khalid Binu Waliid kuma jirto axaadiisyada Nabiga (NNKH) xadiis uu kasoo wariyey, laakiin wuxuu ka qeyb qaadan jiray dagaalada oo wax qabadkiisa wuu muujiyey walibo wixii uu awooday ayuu qabtay.  Qofkasto wuxuu yaqaano haddii uu wax ku taro bulshada way iswada kamilaysaa bulshadana sidaas ayey horumar ku gaaraysaa.

Waxaa kuu soo gudbina qiso quraanka lagu sheegay, Nabi Yuusuf (CSW) ayadoo la dulmiyey oo dambi uusan lahayn lagu qaaday xukunkiisa oo xabsi la galiyey ayuu waxtar muujiyey ma uusan dhihi waa gaalo isoo xirtay oo waxbo igama galin. Asagoo xabsiga ku jiro ayaa lagu dhahay waxaan kuu aragnaa in aad tahay qof waxtar leh. Waxtarka wuxuu oga bilaabay mid diini ah ka dibna waxa ay rabeen ayuu u qabtay. Nabi Yuusuf (CSW) jecayl uu u qabo in uu noqdo mid dadka waxtara ayuu u fasiray riyadii uu ku riyooday boqorkii wadanka. Ma uusan dhihin waa gaalo ha dhammadaan mana uusan ku xerin shardi ah in ay xabsiga ka dayaan. Wuxuu u sheegay sidii 15 sano dhaqaalaha dalka lagu xalin lahaa.

Mudo ka dib waxaa u yimid walaalihiisa oo ceel ku riday oo dhibaato walbo uu marey  sabab u  ahaayeen, wuxuu siiyey raashin iyo lacag.  Walaalihiisa waxay ku dhaheen waxaan ku aragnaa muxsin balse markuu walaalkiisa ka reebtay, ayey ku dhaheen kii walaalkiisa ahaa asaga ka horeyeyba waa tuug asagoo hor taagan.  Haddana ugu dambeyntii waa cafiyey dhammantooda, ayagoo dhibaatooyin badan ku sameeyey.

“waxtarka wuxuu ku baraa in aad noqoto qof  wax cafiyo, oo waxtarka waa mid dhinac kasto faa’ido u leh.”

Haddi aad noqoto qof waxtar leh waxaa meesha kasoo baxaaya faa’idooyin badan oo ka mid ah waxaad helaysaa ajir, sharaf, farxad, aminaad,  qofkaad wax u qabatayna wuxuu daremaa farxad badan. Nabi Maxammed (NNKH) dadkii ugu horeyey oo rumeeyo waxay ku rumeyeen wanagiisa hore iyo waxtarnimadiisa.

Waxtarka wuxuu ku baraa in aad noqoto  qof  han sare leh aan quusan  tusaalle, qiso aad u qurxoon oo lagu sheegay quraanka ayaa jirto.

Nin ayaa yimid magaalo 3 Rusuul laga diiday risaaladdii ay wadeen asagoo “dhahaayo waxbo idinkama rabaan waa dad hannuun idin wada” ninkii waa la dilay janaduu galay wali wuxuu dhahayaa yaa u sheego tolkay nimcadaan ku jiro.  Ma uusan dhihin waa dadkii i dilay naarta ha galaan.

Wax walboo bani’addamka lataro waa waxtar xittaa xayawaankoo wax latara waa waxtar. Qof dumar ah oo eey waraabisay ayaa loogu dambi dhaafay. Laakiin anaga taas caksigeeda ayaan samaynaa iska daa xayawaanadee waxaan ku tumanaa bini’addamka.

Haddii aadan awoodin in aad qofka wax u tarto ugu yaraan qofka u tilmaam qof wax u tari kara saad adna ajir u hesho.  Laakiin bulshadeena waa bulsho wax tarkooda aad u liidatada taasi ayaaba usii sababtay in ay noqdaan dad aan han sare lahayn.  Sababtoo ah qofka waxtarka leh waa qof han sare leh oo naftiisa wax u taro dadkana wax u taro.

Qof kaligiisa wax isku taro kuma tilmaami karo qof han sare leh laakiin wuxuu dhammaa midka aan wax isku tarin oo dadka ku tiirsan.  Kaasi waxaa ka daran mid in uu wax u taro naftiisa iska dayee naftiisa dhibaato u geysta sida dadka daraagiska isticmaalo. Intaas waxaa kasii daran dad naftooda dhiba dadkana dhiba, waxtar haba sheegin.

Ugu dambeyntii haddii aadan dadka wax u taraynin isku day in aad dhibaatadaada ka dayso. Hadafkaada waxtarka waa in uu ahaanin saad maal u heli lahayd oo kaliye ee uu lahaado hadafyo kale oo badan. Nolosha in aad ka qeyb qaadato oo aadan ku noqon dunida dheraad ku dadaal.

Maqaalkaan waxaan ka qoray wacdi uu jeediyey Sheekh aan aad u jeclahay Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun –  Wacdigaas ciwankiisa waa noqo qof wax tar leh oo dadka anfaca.

W/Q:Muslimo Cabdullaahi

-----------------------------------------------------------------------

Waa qoraa ka tirsan Somalism. Qoraaga ayaa taqaqus u leh cilmiga xoolaha iyo maamulida ganacsiga. Waxay wax ka qortaa arrimaha bulshada, cilmiga xoolaha iyo taariikhda umadaha adduunka iyo waliba sidoo kale maamulka ganacsiga.

Category