Sawirro: Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed oo kulan xasaasi ah ku leh Addis Ababa

Addis Ababa (RH)-Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magaalada Adis Ababa kulan kula yeelanaya ra'iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh ayaa booqasho rasmi ah oo qaadanaysa Labo maalmood ay ugu bilaabatay dalka Itoobiya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Addis Ababa Bole International Airport, Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed, xubno ka tirsan Golaha Wasiirradiisa, Saraakiil iyo cutubyo ka tirsan baambayda dalkaas oo salaan sharaf ku maamuusay soo dhaweynta Madaxweynaha, halka loo riday 11 madfac oo ka tarjumaya maqaamka sare ee lagu qaabilay wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ajiibidda casuumaadda uu u fidiyey iyo booqashadan muhiimka ah, halka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka dalka Itoobiya soo dhaweynta diirran iyo martiqaadka heerka sare ah ee ay ku maamuuseen isaga iyo wafdigiisa.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa socdaal ku maray dhammaan dalalka dariska la ah dalkeenna iyo guud ahaan Gobolka, si uu xoojiyo xiriirka iyo doorka diblumaasiyadda dalkeenna, loona xaqiijiyo Soomaali heshiis la ah dariskeeda, saaxiibna la ah cid kasta oo ay danwadaag yihiin.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Addis Ababa Bole Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Addis Ababa Bole Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Addis Ababa Bole Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Addis Ababa Bole

Radio Hormuud

Studio 3

Nairobi-Kenya

Category