Saxafiyiin lagu xirxiray Baydhabo iyo Shariif Xasan oo magaalada tegay

Baydhabo (RH)-Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ugu yaraan todobo suxufi oo ka howgala warbaahinta madaxa bannaan in maanta halkaas lagui xiray.

Suxufiyiintan ayaa la sheegay in laga soo kala qabtay garoonka diyaaradaha Baydhabo iyo xarumo warbaahineed oo gaar loo lee yahay.

Xarriga weriyayaasha ayaa yimid iyadoo maanta magaalada Baydhabo uu tegay Shariif Sheekh Xasan oo horrey u soo noqday guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed haddana ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Agaasimaha Idaacadda Radio Warsan, Hilaal Sheekh Shuceyb ayaa sheegay in Idaacadiisa laga xiray illaa shan suxufi kuwaasoo laga kala qabqabtay garoonka diyaaradaha iyo xarrunta Idaacadda.

Waxa uu BBC-da u sheegay in suxufiyiinta la xiray shaley lagu wargaliyay in ay ka qeybgalaan soo dhaweynta Sheekh Shariif halkaasna lagu xiray.

Shariif Xasan oo tegay Baydhabo

Illaa hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka Koonfur Galbeed oo ka hadlay sababta loo xiray suxufiyiintan.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu

Category