Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Oo Maanta Aas Qaran loogu sameeyey Hargeysa

Hargeysa(RH):-Allah ha u Naxariistee Waxaa maanta duleedka koonfureed ee Magaalada Hargeysa Aas qaran loogu sameeyey Marxuum Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo kaa mida ahaa Foolaadkii bahda dhaqanka ee Somaliland  oo habeen hore ku geeriyooday dalka Turkiga

 

Aaska suldaanka ayaa waxaa ka soo qaybgaley Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi,Xubno isku jiray siyaasiyiin,Salaadiin,Cuqaal,Garaado,Ugaasyo,Ganacsato iyo sidoo kale Madax kala duwan oo kala yimid deegaanada Soomaalidu degto iyo kumnaan Dadweyne ah oo ka kala yimid meelo kala duwan

 

Sidoo kale waxaa isna goobtaasi lagu caleemo saarey Suldaan cusub oo ah wiil uu dhalay Marxuum Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi ayaa tacsi u diray qoyskii qaraabadii bahda dhaqanka iyo guud ahaanba qaranka Somaliland ee uu ka baxay inuu Samir iyo Iimaan ka siiyo Marxuukana alle uga baryey inuu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo waxaana uu yidhi “ Innaalilaahi wa innaa ilayhi raajicuun, Waxaan joognaa tacsidii sameeyey Marxuum Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, Ilaahay Suldaanka how naxariisto oo jannadii Fardowsa haka waraabiyo qoyskii iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxayna Ilaahay Samir iyo Iimaan haka siiyo.

 

Suldaan Cumar oo Aabbihiina ahaa dadkii aasaasay SNM oo taariikh sharaf badan mudan,Nabadiina tiirka koobaad ka ahaa, Saldanadaa weyn ee uu kasoo jeeday oo xorayntii dalka iyo nabadiisiiba horumuud ka ahaa, intii uu noolaana samafal uun buu ku jiray , Ilaahay uun baa baaqi noqonaaya dadkuna haku cibro-qaato inay geeriyi inaga wada danbayso, Ilaahay Suldaanka how naxariisto innagana haynooga daba naxariisto Samir iyo Iimaan, Raaska iyo Saldanadiina halkiisii Ilaahay Cawil kheyr qaba how geliyo” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

 

Sidoo kale waxaa aaska Marxuum Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax  iyo Caleemo saarka Suldaanka Cusuba si weyn uga dhex muuqday oo ka soo qaybgaley Masuuliyiin ka socday Dawladd Deegaanka Soomalida ee Itoobiya kuwaasi oo isugu jiray, Wasiiro,Xildhibaano,Madax-dhaqameed Salaadiinta,Cuqaal, Garaado iyo xubno ka mid ah Bulshada qaybaheeda kala duwan

 

Category