Waa imisa tirada Soomaalida ee lagu xiray dalka Turkiga?

Ankara (RH) In kabadan 100 xarumood oo ganacsi ay lee yihiin Soomaali ayaa la xiray dalka Turkiga maalmihii la soo dhaafay, sida Soomaalida ku nool dalkaas ay sheegayaan.

Sababta loo xirayo ayaa lagu sheegay iyadoo Soomaalida oo aqoon badan u lahayn ganacsiyada iyo goobaha laga furo.

Waxa ay sheegeen in sababta ka mid tahay Soomaalida oo hal goob ganacsiyo badan ka furta halkaas isku dhooba, taasoo ah sharci aan ka jirin dalka Turkiga.

Haweeney ka mid ah Soomaalida ku ganacsada Turkiga ayaa sheegtay in Soomaalida ay jabiyeen sharciyo badan oo ka mid tahay in qofka furanaya ganacsi uu share la yeesho qof Turkiga, uu shaqaaleysiiyo shan qof oo Turki ah , waxaas oo dhan ma ahayn wax ay ogyihiin Soomaalida.

Soomaalida ayaa badi xawaaladaha, Dukaamada iyo goobaha laga cunteeyo waxa ay ka furteen bartamaha magaalooyinka Ankara iyo Istanbul gaar ahaan magaalada #Kızılay.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in illaa sagaal qof oo Soomaali ah la xir xiray maalmihii la soo dhaafay, kuwaasoo badi lagu amray in dalka laga musaafuriyo.

Soomaalida ku nool dalka Turkiga ayaa sii kordhaya, waxaana ay qaar kood dib uga soo laabteen waddamada qurbaha sida waqooyiga Amerika, Yurub iyo waddamada Carabta.

Sidoo kale, Soomaali badan oo ka tegay dalkii hooyo ayaa tegay dalka Turkiga, kuwaasoo ganacsiyo, deegan iyo wax barasho u tegay dalkaas oo Soomaalida ay tageen dalkaas wixii ka dambeeyay sannadkii 2011-kii, xilligaas oo magaalada Muqdisho uu soo booqday madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Soomaali ku nool dalka Turkiga ayaa hanti badan galiyay waddankaas, waxaana qaar kood ay iibsadaan guryo iyo hanti kale oo maguurto ah, waxaana hadda la yaabay in Soomaali aan dambi galin in la musaafuriyo.

Radio Hormuud

Ankara- Turkey 

Category