Waa kuma Muuse Suudi Yalaxoow?

Jowhar (RH)- Muuse Suudi Yalaxow waxaa uu dowladdii ku meel gaarka ahayd ee Cali Mahdi ka soo noqday wasiirka ganacsiga inkastoo markii dambe uu ka mid ahaa hogaamiye Kooxeedyadii ugu awoodda badnaa Soomaaliya ka hor inta aanay meesha ka saarin Midowgii Maxaakiimta sannadkii 2006-dii.

1990 meeyadii markii uu Soomaaliya ka dhacay dagaalkii sokeeye Muuse waxa uu madax ka ahaa degmada Madina isagoo matalaya dhaq-dhaqaaqii United Somali Congress USC.

Isaga oo ka mid ah hoggaamiye kooxeeyadii ugu awoodda badnaa ee Muqdisho ayay caasimadda soo degtay dowladda kumeel gaarka ahayd ee uu madaxda ka ahaa Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan , waxaana dhacday in uu dowladdaasi aad uga horyimid, hadaladii laga diiwaangaliyayna waxaa ka mid ahaa "Mineey bac tahay waa bujinaynaa, mineey bir tahay waan ka leexanaynaa".

Balse shirkii Nairobi ee xigay ee biloowday 2002-dii ayaa waxaa lagu qasbanaaday in dib u heshiisiinta iyo dhismaha dowladnimada qeyb laga galiyo hoggaamiye kooxeeyada uu Muuse ka mid ahaa.

Markii la abaabulay Dawladdii Federaalka Ku -meel -gaarka ah 2004, Muuse Suudi Yalaxow wuxuu ka mid ahaa 275 xubnood ee loo soo xulay Baarlamaanka Federaalka Ku -meelgaarka ah 29 Ogosto, 2004. Waqtigiisu wuxuu ku ekaa sannadkii 2009-kii.

20-kii Bishii Maarso , 2005, waxaa la sheegay in Yalaxow lagu xiray Kenya, isaga iyo xubno kale oo ka tirsan baarlamaankii Dowladdii Kumeel Gaarka ka dib markii uu muran ka dhashay in la oggolaado cidaamo nabad ilaalilin oo ka socda dalalka dariska ah gaar ahaan Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya lana geeyo Soomaaliya si ay gacan u siiyaan dowladda ku meel gaarka ah.

Muuse waxaa loo magacaabay wasiirkii ganacsiga ee xukuumaddii Prof Cali Maxamed Geeddi, balse wareysi uu Muuse siiyay Radio Banaadir, kaas oo sidoo kale BBC-da laga baahiyay ayuu ku yiri "Muxuu yahay wasiir aan gaari lahayn, wasiir aan guri lahayn", isaga oo ka hor yimid dowladdii uu wasiirka iyo xildhibaankaba ka ahaa.

Bishii Febraayo ee sannadkii 2006-dii Muuse Suudi wuxuu ku biiray isbahaysigii hogaamiye kooxeedka ee uu taageerayay Mareykanka, kuwaas oo la magacbaxay Isbahaysiga Dib-u-soo-celinta Nabadda iyo La-dagaallanka Argagixisada (ARPCT) si loola dagaallamo Midowgii Maxkamadaha Islaamka.

Dagaalkii u dhexeeyay Maxaakiimta iyo sbahaysigii hogaamiye kooxeedka ayaa galaaftay nolosha dad badan waxayna maleeshiyada Muuse qabsadeen Isbitaalka Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas ee Kensaney.

5 -tii Juun ee 2006-dii Yalaxow wuxuu ka baxay Muqdisho isagoo saldhig ka sameytay Balcad oo 30 -km waqooyiga ka xigta Muqdisho, oo iyana maalmo kadib ay maxaakiimta qabsadeen .

Ra'iisul Wasaarahii xilligaas ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geeddi ayaa xilkii ka qaaday Yalaxow, isagoo sheegay in uu ka soo horjeestay dadaallada xukuumaddiisa ee nabadda uuna wiiqay howlahoodii dib -u -heshiisiinta.

Bishii Janaayo ee 2007-kii ayuu Muuse Suudi dib ugu Soo laabtay magaalada Muqdisho markaas oo maxaakiimta laga adkaaday, kadib ciidamadii Itoobiya ee Muqdisho iyo meelo badan la wareegay. meesha keliya ay haysteen Maxkamadaha waxa ay ahayd Raaskaambooni.

Dabayaaqadii sannadkii 2016-kii, ayaa waxa uu markii ugu horreysay noqday xildhibaan Aqalka Sare ka mid ah isagoo ku matalayay Maamul Gobeleedka Hirshabbeelle.

Intii uu Aqalka Sare ku jiray waxa uu ka ahaa xildhibaanada ugu codka dheer marka ay noqoto dadka kasoo horjeeday qaabkii ay wax ku wadday dowladda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Waxaa xitaa dhacday in ay hadalo kulul warbaahinta isu mariyeen isaga iyo duqii hore ee Muqdisho Injineer Cabdiraxmaan Yariisoow.

Hase yeeshee Muuse Suudi ayaa mar kale ka mid noqday Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, kadib doorasho shalay ka dhacday magaalada Jowhar ee xarunta maamul goboleedka Hir shabeelle.

Muuse Suudi, ayaa helay codad gaaraya 55, halka Axmed Xasan Caddow (Daaci) oo ay wareegga labaad ku tartamayeen uu helay 43 cod.

Kursiga uu ku guuleystay Muuse ayaa ahaa kursigii ugu adkaa dhanka loolanka ee doorashadii golaha aqalka sare ku matalaya baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Xigasho: BBC

Category