Waa sidee maanta Xaaladda magaalada Guriceel?

Guriceel (RH)-Xaaladda magaalada Guriceel ayaa dagan, oo ay saddexdii maalmood ee u danbeysay ay halkaasi dagaalo ka socdeen.

Ma jirto xabad joojin la gaarey, iyadoo ciidamada labadda dhinac ay isku hor fadhiyaan magaalada dhexdeeda.

Magaaladani ayaa waxaa ku dagaalamaya ciidamada dowladda Soomaaliya, iyo kuwa Ahlu Sunnah Waljamaaca.

Dagaaladii dhacey maalmihii lasoo dhaafey waxaa ka dhashey dhaawac iyo dhimasho, inkastoo aanan la heynin tirada dhabta ah ee waxyeelada ka jirta Guriceel.

Sidoo kale, magaalada Guriceel ayaa waxaa ka barakacey dad fara badan, iyagoo dagay tuulooyin u dhaw magaaladani dagaalka uu ka socdo.

Xiggasho:BBC

Category