Wararkii ugu dambeeyay ee xaaaladda magaalada Muqdisho

Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa saaka dagan ka dib markii xalay halkaasi laga dareemayay dhaqdhaqaaqyo ciidan.

Waxaa xalay inta badan xirnaa waddooyiinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho.

Waddooyiinka qaar ayaa waxaa lagu arkayay ciidamo fara badan oo ah kuwa dowladda.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheeegay in uu dhaqdhaqaaqan ciidan uu yimid ka dib markii ciidamo uu watay taliyihii hore ee booliiska gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) ay gaareen Shiirkole oo ka tirsan degmada Hodon.

Waxaa sidoo kale ay wararku sheegayaan in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay doonayeen in ay weeraraan ciidamada uu watay Saadiq Joon ee u guuray Shiirkole.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa ayaa waxaa uu dowladda ku eedeeyay in ay "ciidamo weeraro u soo dirtay Saadaq Joon".

Guddoomiye Kuxegeenka Amniga & Siyaasadda Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare ) oo warbaahinta dowladda la hadlay ayaa beeniyay wararka sheegaya in ay doonayeen in ay weeraraan ciidamada Sadiq Joon.

"Waxaan u cadeynaynaa dadka Soomaaliyeed eek u nool gobolka Banaadir in aysan jirin wax caqabad ah ama colaad ah inaba ha la ekaatee," ayuu yiri Mr Cali Yare.

Waxaa uu intaa ku daray in amniga magaalada Muqdisho uu sugan yahay islamarkana ay ciidamada ammaanka ay mar walba sugayaan ammaanka.

"Ciidamada ammaanka waxay u taagan yihiin goor iyo ayaan habeen iyo malain sidii ay uga hortagi lahaayeen isku day kasta oo la isku dayo in lagu carqaladeeyo amaanka , nabada iyo hormarka sida xawaaraha uga socda magaalada Muqdisho," ayuu intaa ku daray.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta dowladda fedaraalka Cabdiraxmaan Al-cadaalada ayaa isna dhankiisa sheegay in magaalada Muqdisho ay nabad tahay wax dhibaato ahna aan ka jirin.

Dhawaan ayay ahayd markii uu madaxwayne Farmaajo uu dhammaan darajooyiinkii uu lahaa ka xayuubiyay Saadaq Joon oo horey u ahaa taliyaha booliiska gobolka Banaadir.

 

source BBC

Category