Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland Oo Ka Hadashay Xaaladda Dhoofka Xoolaha Somaliland

Hargeysa(RH):-Wasiirka xanaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga Somaliland Siciid Sulub Maxamed ayaa ka waramay xaaladda dhoofka xoolaha Somaliland.

Dr Cabdiqani Xaamud Cawaal ayaa ugu horayn ka waramay xanuun dalka ku cusub lagu magacaabo GUUX Kaas oo dhawaan ku dhacay xoolaha gaar ahaana Geella, waxanu sheegay in xanuunkaasi uu kasoo talaabay dhanka xuduudda Itoobiya isla markaasna ay dhaliso Bakteeriyo iyadoo uu sheegay inay ka daweeyeen xoolahuu uu ku dhacay xanuunku hadana ay dadaadl ugu jiraan sidii loo dabar jari lahaa.

Wasiirka xanaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga Somaliland Siciid Sulub Maxamed ayaa sheegay in caafimaadka guud ee xooluhu uu fiican yahay marka laga reebo Xanuuna Guuxa lagu magacaabo ooh adda laga daweeyay Geela, sidoo inay xooluhu haystaan Baad iyo Biyo ku filan.

Waxa uu wasiirku intaa ku daray Sucuudigu uu iska joojiyay guud ahaan xoolahii ugu imanayay dalalka adduunka oo ay ku jirto Somaliland iyagoo ka taxadaraya caafimaadkooda madama uu jiro xanuunka Coronavirus kaas oo sababay Sucuudigu joojoiyo xujeydii ka imanaysay daafaha adduunka.

Wasiirka xanaanada xoolaha ayaa intaa ku daray in xoolaha Somaliland dhiifin jirtay  loo joojiyay xanuunka covid-19 ee aan loo joojin caafimaadka dhanka xoolaha laftooda.

 

Category