Wasaaradda Deegaanka Jsl Oo Sheegtey in Gacanta Dowlada lagu Soo Celinayo Seereyaasha Dalka.

Hargeysa(RH):-Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare  ayaa sheegtay in seereyaasha dawladu dhawaan xidhi doonto ay ka mid yihiin Bancawl, Aroori, banka cashuura, banka xudun, banka Tuunyo iyo banan kale.

Seerayaashaasi oo ay dowladu maamuli-doonto

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare waxay sheegtay in kooxo ka tirsan wasaaradda degaanku ay u baxeen sidii ay uga hawl-gali lahaayeen banankaas, si looga faa’iidaysto xili roobaadkan hadda lagu jiro, waxaanay intaas ku dartay in xukuumadda Somaliland ay bixinayso dhaqaalaha ku baxaaya xidhitaanka seereyaasha si looga faa’iideeyo bulshada xoolo dhaqatada ah.

Ugu dambayn Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland waxay guud ahaan bulshada ku nool degaanada ay banankaas la xidhi doonaa ku yaalaan u soo jeedisay in ay wasaraadda gacan ka siiyaan sidii loo daryeeli lahaa, cidii dhex deganina ay ka guuraan, maadaama oo wasaaraddu qorshaysay sidii looga faa’iidaysan lahaa banankaas, oo waxtar u leh xoolaha iyo ugaadhaba.

 

Category