Wax ka ogow Sideedan faa'ido oo nolashaada wax u raya haddii aad sameeso maalin walba

Odense (RH)- Akhristow ka faa'idayso sideedan caado oo wax wanaagsan u taraya nolashaada haddii aad sameeso maalin walba, kuuna noqon kara horumar horumar iyo farxad Waxaa ka mid ah:-

1. Subax kasta si fiican u toos

– Toos waqti hore, salaada subax tukado, oo qorshe dhameystiran u samee maalintaada.

2. Cunto caafimaad leh cun

– Cunto isku dheelli tiran oo khudaar, miraha, iyo biyo badan leh ayaa jidhkaaga iyo maskaxdaada u wanaagsan.

3. Jimicsi samee

– Socod yar, orod, yoga ama wax kale – jimicsigu wuxuu hagaajiyaa caafimaadka, hurdada, iyo maskaxda.

4. Akhri maalin kasta

– Akhriska buugaagta, quraanka, ama wararka muhiimka ah wuxuu kobciyaa garaadkaaga iyo fahamkaaga.

5. Xusuuso inaad mahadnaqdo

– Maalin kasta waqti u hel inaad ku fikirto nimcooyinka aad haysato. Tani waxay yareyneysaa walbahaarka.

6. U naxariiso dadka

– Erey wanaagsan ama gargaar yar ayaa wax weyn ka beddeli kara nolosha qof kale — adigana farxad kuu keenaya.

7. Waqti la qaado qoyska iyo asxaabta

– Xiriir wanaagsan oo dhow ayaa muhiim u ah farxadda iyo kalsoonida nafta.

8. Baro wax cusub

– Maalin kasta wax yar baro: luuqad cusub, xirfad, ama xigmad. Nolosha waxay noqonaysaa mid xiiso leh.

W/Q: Maxamed Amiin Siyaad Cabdi

Tifaftiraha Radio Hormuud

Category