Muqdisho (RH)-Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, ayaa maanta oo Axad ah magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada imtixaankii shahaadiga ahaa ee fasalka 12-aad oo sannadkan ay u fariisteen 38,471 arday.
Sida ay sheegtay wasaaradda waxbarashada dalka, imtixaanka waxaa isku diiwangalisay 39,368 arday, balse waxa ka baaqday oo aan gelin 897 arday.
Sida lagu sheegay xogta la shaaciyay Ardaydaas imtixaanka gashay waxa ay isugu jireen 59% Lab iyo 41 % Dhedig ah.
Ardayda imtixaanka ka gudbay ayaa lagu sheegay tiradooda 32,714 arday taasoo u dhigan boqoleey 85, halka ay hareen 5,757 taasoo ah 15%.
Ardayda imtixaanka ka gudbay iyo kuwa ku haray ayaa wax ka barta gobolka Banaadir, sida lagu sheegay natiijada.
Sidoo, waxaa kaalinta kowaad imtixaanka gashay gabar magaceeda lagu sheegay Caa'isha Aadan Ugaas Xirsi taasoo dhigta iskuulka SOS ee magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir.
Caa'isha waxa ay keentay celcelis ahaan natiijo gaaraysa 91.99.
Sidoo kale afar gabdhood ayaa ku jira liiska 10ka arday kaalmaha ugu horreeya ka galay imtixaanka shahaadiga dugsiga sare ee 2025-2026.
Dhinaca kale, magaalada Jowhar waxaa ka furmay shir looga arrinayo arrimaha waxbarashada dalka, waxaana ka qaybgalaya masuuliyiin ka tirsan maamul gobolleedyada iyo gobolka Banaadir.



Radio Hormuud
Studio 3
Mogadishu Somalia