Wiil Soomaali ah oo ka mid noqday Xildhibaannada Torino

Torino (RH)— Cabdullaahi Axmed Macallim, oo ah wiil dhallinyaro ah oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ayaa habeenkii Isniinta noqday qofki ugu horreeyay oo mihiijir ah oo ka mid noqdo xildhibaannada Golayaasha Deegaanka ee dalka Talyaaniga.

Cabdullaahi, ayaa ku guuleystay mid ka mid ah 24-ka kursi ee Golaha Deegaanka magaalada Torino ee Waqooyiga dalka Talyaaniga, kaddib marki ay sharraxeen xisbiga Dimoqraadiga.

Waxa uu noqday qofkii ugu horreeyay ee 20 sanadood kaddib ka mid noqda Xildhibaannada Golaha Degaanka Torino kaddib markii uu sidoo kale noqday ajnabigii ugu codka badnaa.

Cabdullaahi oo sidoo kale ah gayfane u dhaqdhaqaaqa dadka qaxootiga ah ee ay Soomaalidu ka mid tahay ayaa 15 sanadood ku sugnaa Talyaaniga, isagoo Somalia kasoo tegey 2007, isagoo Maarso kasoo degey gasiiradda Lampadusa ee Talyaaniga.

Wiil Soomaali ah oo ka mid noqday Xildhibaannada Torino

Cabdalla oo ka sharaxnaa Xisbiga liberaalka ah ee Partita Democratico oo sidoo kale ku guulaystey magaalooyinka Roma, Milano, Torino, Napoli, iyo Bologna, islamarkaana helay 1112 cod ayaa sheegay in sidoo kale uu soo baxay wiil kare oo ka socda Geeska oo u dhashay dalka Eritrea, kaasoo kasoo baxay magaalada Bologna, balse aanu jirin Soomaali kale oo soo baxay.

Category