Xaaska Erdogan maxay Soomaaliya uga shegetay buuggeeda cusub ee Afrika ku saabsan?

Emine Erdogan oo ah marwada koowaad ee dalka Turkiga, ayaa la filayaa in ay Xarunta Qaramada Midoobay ay ku soo bandhigto buug ay ka qortay booqashooyin ay ku tagtay dalal Afrika ah oo ay ka mid tahay Soomaaliya.

Isniinta ayay markii ugu horreysay buuggan kula wadaagtay xaasaska madaxweyneyaasha kale ee ka qayb galaya shirkada New York ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobeey, sida ay tabisay Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu.

Buugan waxay ku cabiraysaa khibradda ay ka heshay safarradii ay ku martay qaar ka mid ah wadamada Qaaradda Afrika.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo xaaskiisa ayaa Axadda u duulay Mareykanka, si ay uga qayb galaan shir madaxeedka sannadlaha ah ee Qaramada Midoobay.

Buugga ay qortay Emine, oo ay ku magacowday "My Travels to Africa" -(safarradii aan ku tagay Afrika) - ayaa sidoo kale loo qaybin doonaa wakiillada ka kala socda hay'adaha aan dowliga ahayn ee loo yaqaanno NGOs iyo madaxda wasaaradaha Arrimaha Dibadda.

Emine Erdogan hooyadeed ayaa loo hibeeyay buuggan, waxa uuna si buuxda uga sheekeynayaa safarradii ay xaaska Erdogan gashay intii u dhaxeysay 2014-kii ilaa 2020-kii ee ay ku tagtay dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya, Aljeeriya, Itoobiya, Tanzania, Mozambique iyo Senegal.

Waxaa buuggan iibintiisa laga billaabi doonaa gudaha Turkiga billowga bisha October, waxaana lagu daabici doonaa luuqadaha kala ah Turkish, Ingiriis, Faransiis, Carabi iyo Sawaaxili.

Maxay Emine Erdogan ka tiri Soomaaliya?

Xaaska madaxweyne Erdogan ayaa qaybaha ay buuggeeda uga hadleysay safarkii ay ku tagtay Soomaaliya waxa ay ku sheegtay in ay kusoo aragtay xaalad si weyn u dhaqaajisay qalbigeeda.

"Waligey uma aanan ooyin sida aan maalintaas u ooyay"

Iyadoo diiradda saareysay socdaalkii ugu horreeyay ee ay ku tagtay Soomaaliya, sannadkii 2011-kii, ayay shegetay in ay ku soo aragtay "xusuus lama illoobaan ah oo aan ka go'eynin nolosheeda".

Marwada madaxweynaha Turkiga ayaa iyadoo cabireysa dareenkeeda ku saabsan booqashadii Soomaaliya waxay tiri: "Wax turjimaan ah uma aanan baahneyn si aan u dareemo xanuunka ay dareemayeen hooyooyinka carruurtooda ku waayay gaajada awgeed. Waligey uma ooyin sida aan maalintaas u ooyay.

"Illinta ayaa ah luuqadda uu qof walba fahmi karo. Waxaan aragnay carruur ay isku dhageen lafahooda iyo maqaarkooda. Waxaa naloo sheegay in ilmo loo diray isbitaalka ay dhexda kusii dhinteen."

Emine Erdogan ayaa sheegtay in ay diyaarisay howl samafal oo ku wajahan Soomaaliya, waxayna tiri: "Ha iloobina Soomaaliya".

Dhanka kale, buugga ayay kusoo bandhigtay sawirro ay farsjaxamiisteyaal Turkiga ah oo iyada ku wehlinayay safarkii Soomaaliya ka sameeyeen horumarrada uu Turkiga ka hirgaliyay waddankan ku yaalla geeska Afrika.

'Qaarad fog'

Marwada koowaad ee Turkiga ayaa shegetay in wixii ka horreeyay "howlgalkii horumarinta Afrika" ee uu Turkiga billaabay 2005-tii ay qaaraddu ahayd mid ka fog dadka reer Turki.

"Marka la soo hadal qaado Afrika, waxaa maanka ku soo dhacaya gumeysi, saboolnimo, baahi, carruur ooman," ayay tiri Emine.

"Fikraddaas waxay isbaddashay markii ugu horreysay ee aan booqashada ku tagay Afrika," ayay sii raacisay hadalkeeda, iyadoo waliba sheegtay in ninkeeda ay u raacdo dhammaan safarrada uu u baxo, intii karaankeeda ah.

"Mudnaan gaar ah ayaan siiyaa dhibaatooyinka heysta dumarka iyo carruurta reer Afrika, waxaana doonayaa in aan ka mid noqdo dadka daweeya dhaawacyadooda. Naxariista noocaas ah waa dhaqan uu leeyahay waddankeyga aan ku dhashay, ku barbaaray," ayay tiri.

Waxay rajo ka muujisay in buuggeeda cusub uu keeni doono wanaag, wadashaqeyn iyo isdhexgal dhinaca dhaqannada ah, uuna xoojin doono saaxiibtinnimada ka dhaxeysa Turkiga iyo Afrika.

Sidoo kale waxa ay hoosta ka xarriiqday in safar walba oo ay ku tageysay dalalka Afrika ay ka horreysiineysay koorsooyin gaaban oo ay ku baraneysay waddan kasta dhaqankiisa iyo dabeecadihiisa.

 

Inta badan marwada madaxweyne Erdogan waxa ay booqataa xarumaha lagu xannaaneeyo carruurta agoonta ah.

Waxa ay sheegtay in qalbi ahaan ay aad u taabatay marxaladdii ay ku aragtay mid ka mid ah xarumaha agoonta ee ku yaalla dalka Jabuuti, oo lagu magacaabo Daryeel.

"Waajib ayay nagu tahay inaan ka qayb qaadanno howsha culus ee ay hayaan dadka tabarta yar isla markaana aan ku dhiirrigelinno," ayay tri.

"Si aad u fahanto xaaladaha bani'aadannimo, waxaad u baahan tahay inaad indhahaaga ku aragto. Aniga ahaan, safarrada aan dibadda ku aaday waxaan ka soo helay khibrado iyo xasuusinaya mas'uuliyad," ayaa ka mid ah waxyaabaha ay ku qortay buuggeeda.

Buugga xaaska madaxweyne Erdogan ayaa marka la daah furo noqon doona mid caalami ah oo dalal badan gaara.

 

xigasho BBC

Category