Xafiiska Imtixaanka Qaranka Somaliland Oo Ku Dhawaaqay Natiijada Imtixaankii Shahaadiga Ahaa

Hargeysa(RH):-Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Somaliland Da’uud Axmed Faarax, ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijada imtaxaanadka dugsiyada hoose dhexe iyo dugsiyada sare.

Imtaxanaadka shahaadiga ah ee Somaliland ayaa  guud ahaan dugsiyada sare iyo hoose dhexe, waxa u fadhiistay, 32,757 arday, waxa gudbay  31,645 arday, halka ay dhaceen 1,112 arday.

Guddoomiye Daa’uud Axmed Faarax isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.”Dugsiyada hoose dhexe waxa u fadhiistay 21,168 arday, tirada gudubtay waa 20,009 arday, tirada dhacday waa 850 arday, oo macnaheedu yahay 95% way gudbeen 4% way dhaceen”.

Guddoomiye Daa’uud isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu intaas ku daray.”Dugsiga sare tirada guud ee imtaxaanka u fadhiisatay waxay ahayd 11,589, tirada dhacday waa 262, oo u dhiganta 2.28%, halkaa waxa la fahmi karaa in ardaydu dadaal muujiyeen waayo tirada dhacday aad bay u yar tahay marka loo eego sannadihii ka horeeyay”

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ka hadlay tirada arday maadooyinka qaar laga baabi’iyay, kadib markii lagu qabtay qish, sida waraaqo, mobilo iyo wixi lamid ah.”379 arday ayaa laga baabiiyay maadooyin, maadada Carabiga 36 arday ayaa laga baabiiyay, 16 arday ayaa laga baabiiyay Bayoolajiga, Kimistariga 54 arday, Ingiriisi1 3 arday, Ingiriisi2 22 arday, Juquraafiga 48 arday, Taariikhda 4 arday, Diinta 4 arday , Xisaab1 20 arday, Xisaab2 110 arday, Fiisigis 13 arday, Soomaali 49 arday”

Tirada ardayda ee aan gudbin ayaa sannadkan aad uga yar sannadihii hore, waxaana muuqata in ardaydu dadaaleen sida uu sheegay guddoomiye Daa’uud.

 

Category