Xasan Sheekh oo Addis Ababa kula kulmaya Abbi Ahmed

Addis Ababa (RH)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa, waxaana la filayaa inuu la kulmo ra'iisal wasaaraha dalkaas Abbi Ahmed, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Wafdi madaxweynaha ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Addis Ababa Bole International Airport.

Wafdiga madaxweynaha ayaa ka yimid dalka Jabuuti, halkaasoo oo xaley uu kula kulmay madaxweynaha Jabuuti Ismaacil Cumar Geelle.

Geelle iyo Xasan Sheekh, ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dowladood iyo labada shacab ee walaalaha ah.

Sidoo kale Villa Somalia ayaa sheegtay in kulankaas looga hadlay muhiimadda iskaashi buuxa oo ay Jabuuti la yeelato Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, la dagaallanka argagixisada, iyo garab istaagga geeddi-socodka xasilinta iyo dhismaha hay’adaha dowladda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa la filayaa in ay Addis Ababa uga qaybgalaan shirka labaad ee ilaalinta hubinta cunnada Adduunka UNFSS+4 oo ay qabanayso Qaramada Midoobay.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa waxaa garoonka Addis Ababa ra'iisal wasaare ku xigeenka Temesgen Tiruneh.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category