Xasan Sheekh oo xilkii ugu horreeyay magacaabay

Muqdisho (RH)-Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saacado kadib markii uu xilka la wareegay magacaabay agaasimaha guud ee Madaxtooyada Qaranka, waxaana uu u magacaabay Xuseen Sheekh Maxamuud.

Agaasimaha cusub ee madaxtooyada Soomaaliya, ayaa horrey u soo noqday xildhibaan ka tirsanaa aqalka sare gaar ahaan baarlamaankii 10-aad,waxa uu sanadkii 1982 ku dhashay magaalada Xudur ee Gobolka Bakool.

Agaasimaha cusub ayaa heerka waxbarashadiisa lagu sheegay in ay gaarsiin san tahay Phd-ga wuxuuna ku takhasusay arrimaha Nabadda iyo Dowliga ah.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu ku tilmaamay in Xuseen Sheekh uu tusaale u yahay doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee dib u dhiska dowladnimada iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed oo uu ku bixiyey waqti badan.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category