Xukuumada Somaliland Oo Go’aamo Cusub ka soo-saartey Xannuunka Covid-19

Hargaysa(RH):- Guddida Heerka qaran ee Ka Hortagga iyo Maaraynta Xanuunka COVID-19  Somaliland ayaa soo saarey    Go’aamo Cusub oo  ku saabsan Marxaladan uu dib u soo laba kacleeyay Xannuunka Covid 19.

Sida lagu sheegay War-saxaafadeed oo uu ku saxeexan yahay Madaxweyne Ku Xigeenka JSL, Ahna Guddoomiyaha Guddida heer Qaran ee Ka Hortagga iyo Maaraynta Xanuunka COVID-19 Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa u dhignaa Sidan:-

Guddida COVID-19 waxay ahmiyad gaar ah siinaysaa saddexda arrimood ee kala ah: 1) In la yareeyo faafitaanka xanuunka, 2) In la dar-dar geliyo heerka Wacyigelinta Bulshada iyo 3) In bulshadu ay qaataan Tallaalka.

Guddida heer Qaran ee Ka Hortagga iyo Maaraynta xanuunka COVID-19:

Iyagoo mudnaan gaar ah siinaya bed-qabka iyo fayo-dhawrka caafimaadka bulshada Somaliland iyo khatarta xanuunka ee maalin walba sii kordhaysa;

Iyagoo si qoto dheer ugu kuur galay halista ka dhalatay wajiga cusub ee xanuunka COVID-19 iyo waxyeeladiisa dhimasho iyo bukaanba leh;

Iyagoo ummada JSL si weyn ugu adkaynaya in uu qof walba muujiyo taxadir iyo masuuliyad dheeraad ah oo lagaga hortagayo faafitaanka wejiga cusub ee COVID-19;

Iyagoo ahmiyad gaar ah siiyey si kasta oo loo yarayn karo culays iyo cidhiidhi ku yimaada hab-sami-u-socodka nolosha bulshada ee maalinlaha ah;

Sidaa darteed, maanta oo ay taariikhdu tahay 10/10/2021, Guddida heer Qaran ee Ka Hortagga iyo Maaraynta xanuunka COVID-19 waxay soo saareen GO’AAMO MUHIIM AH oo lagaga hortagayo faafitaanka wajiga cusub ee xanuunka COVID-19, isla markaana lagu sugayo bed-qabka iyo fayo-dhawrka bulshada Somaliland.

NUXURKA GO’AAMADA GUDDIDA QARANKA EE COVID-19:

XIDHASHADA AF-SAABKA (FACEMASK):

Si looga hortago faafitaanka xanuunka COVID-19 ee bulshada dhexdeeda, xidhashada Af-saabku (Facemask) cid walba waa ku waajib. Meel kasta iyo goob kasta oo ay bulshadu ku kulanto, Gaar ahaan goobaha soo socda:

1.1 Xafiisyada Dawladda:

Dhammaan Shaqaalaha ka shaqeeya Xarumaha Dawladda iyo cid kasta oo soo galaysa ama dan ka leh xafiisyada Dawladda, xidhashada af-saabku waa ku waajib. Qofkii aan xidhnayn af-saab ma geli karo, adeegna kama heli karo Xafiisyada Dawladda.

Cid kasta oo u hoggaansami wayda Xidhashada Af-saabka (Facemask) Goobaha ganacsiga, Waxbarashada iyo Gaadiidka dadweynaha, waxa loo aqoonsanayaa qof dhiirri gelinaya faafitaanka xanuunka Covid-19.

KALA FOGAANSHAHA BULSHADA:

Si looga hortago, isla markaana loo yareeyo faafitaanka wajiga cusub ee xanuunka COVID-19, bulshada Jam. Somaliland waxa lagu war-gelinayaa in loo hoggaansamo farriimaha caafimaad ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee la xidhiidh kala fogaanshaha goobaha ay bulshadu ku kulanto (social distancing) oo ah ugu yaraan 1.5m.

SHURUUDAHA ISU IMAATINKA BULSHADA:

Goob kasta oo ay bulshadu isugu imanayso sida: shirarka, xafladaha, casuumadaha, meherrada iyo aroosyada, kulamada siyaasadda, caleema-saarka iyo shirarka beelaha, xafladaha qalin-jabinta xarumaha waxbarashada, iwm waxa ku waajib ah:

Xidhashadha Af-saabka,

Kala fogaanshaha ugu yaraan 1.5-mitir,

Isticmaalka Jeermis-dilaha (hand-sanitizer),

Furitaanka albaabada iyo daaqadaha,

Waa waajib in cid kastaba ay u hoggaansato Shuruudaha Isu Imaatinka Bulshada. Ciddii ka hortimaada waxa loo aqoonsanayaa qof dhiirri gelinaya faafitaanka xanuunka Covid-19.

HAB-RAACYADA MASAAJIDADA:

Dhammaan Imaamyada iyo Mu’adiniinta Masaajidada waxa lagu amrayaa:

In ay xidhaan Af-saab, dadka masaajidka ku tukanayana ay ku amraan inay xidhaan Af-saab;

In qof kasta oo ku tukanaya Masaajidka uu soo qaato sijaayadiisa;

In ugu yaraan 1.5m (hal mitir iyo badh) la kala fogaado safafka salaadaha;

In ay xilliga salaadaha faralka ah ku soo koobaan 25 daqiiqo oo aanay ka badin karin;

In laga bilaabo 10/10/2021 ay xidhaan dhammaanba musqulaha iyo meelaha lagu waysaysto ilaa amar dambe ama xaalada xanuunku ay is bedelayso;

In ay furaan daaqadaha iyo albaabada Masaajidada;

In ay bulshadu ku soo waysaystaan guryahooda iyo meheradahooda;

In dadka waaweyn iyo dadka la nool xanuuno u gaar ah ay ku tukadaan guryahooda;

In qofkii leh calaamado u eg kuwa koroonaha aanu iman masaajiddada ee uu ku takado howgiisa ama meheradiisa;

In imaamyada masaajidada ay ducada Qunuuda salaadaha faralka ah innooga duceeyaan dhibaatada xanuunka.

Masaajidada u hoggaansami waaya hab-raacyada Masaajidada, waxa loo aqoonsanayaa in uu masaajidkaasi yahay mid dhiirri gelinaya faafitaanka xanuunka Covid-19. Fulinta iyo dabagalka arrimahan waxa leh Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo Guddoomiyeyaasha Gobollada.

5) QAADASHADA TALLAALKA:

Maadaama uu Tallaalku yahay siyaabaha ugu haboon ee haatan lagu yarayn karo bukaanka iyo dhimashada xanuunka Covid-19, guud ahaan bulshada Jam. Somaliland waxa lagu wargelinayaa in ay qaataan Tallaalka. Gaar ahaan:

Dhammaan Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka, heer kasta, xarun kasta iyo goob kasta oo ay ku sugan yihiin, waxa ku waajib ah qaadashada Tallaalka;

Dhammaan Shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada, gaar ahaan dhammaan macalimiinta dugsiyada (kuwa dawladda iyo kuwa gaarka ahba), macallimiinta malcaamadaha, macallimiinta Jaamcadaha (kuwa dawladda iyo kuwa gaarka ahba) waxa ku waajib ah qaadashada Tallaalka;

Sidoo kale, dhammaan Shaqaalaha kale ee Dawladda iyo qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qaranka, heer kasta, xarun kasta iyo goob kasta oo ay ku sugan yihiin, waxa ku waajib ah qaadashada Tallaalka;

6) HAB-RAACA AASKA DADKA U DHINTAY XANUUNKA COVID-19:

Si looga hortago faafitaanka Xanuunka Covid-19 ee bulshada dhexdeeda; laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 10/10/2021, waxa bulshada JSL lala socodsiinayaa in ay gebi ahaanba reeban tahay ka qayb galka aaska qofkii la caddeeyo in uu u dhintay xanuunka Covid-19 awgii. Qaabka iyo hab-raaca qofka loo aasayo waxa ka masuul ah Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Haya’daha kale ee u xil saaran arrinta aaska.

Ugu dambayntii, go’aamadan ay soo saareen Guddida Qaranka ee ka Hortagga COVID-19 ee la xidhiidha ka hortagga iyo xakamaynta faafitaanka wejiga cusub ee xanuunka COVID-19 waa AWAAMIIR XUKUUMI AH oo leh AWOODO SHARCI iyo KUWO FULINEED oo loo cuskan doono fulinta iyo meel-marinta go’aamada Guddida.

Hirgelinta, hubinta iyo kormeerka go’aamada ay soo saareen Guddida heer Qaran ee COVID-19 waxa u xil saaran Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kaashanaysa Guddoomiyeyaasha Gobollada, Haya’daha Qaranka iyo Maayarada iyo Goleyaasha degaanka degmooyinka dalka.

Category