Xukuumada Somaliland Oo Xaddiday Korodhka Xuduuddaha Saddex Magaalo Oo Dalka Ah

Hargeysa(RH):-Guddida Naqshadeynta Qaranka Somaliland oo kulankoodii saddex bilood ahaa ku yeeshay xarunta wasaaradda hawlaha guud, ayaa soo saaray todoba qodobo oo muhiim u ah hawlaha ay u xilsaaran yihiin .

Shirkan oo uu guddoominayey Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/laahi Abokor Cismaan oo ah guddoomiyaha guddidan, kana soo qaybgaleen xubnaha wakiillo ka socday hay’addaha guddidan xubnaha ka ah oo ay kamid yihiin Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo Maayarka caasimada Hargeysa, ayaa qodobada laga soo saaray waxa kamida in dib loo cusboonaysiiyey xayiraadii saarnayd qorshaynta magaalooyinka Berbera, Hargeysa iyo Burco muddo lix bilood ah iyo in la xadidday koboca magaalooyinkaasi.

Waxa kale oo qodobada ay soo saareen guddidu ka mid ha in marka la qorshaynayo magaalooyinka aan lagu dari karin dhulka Buuraha ah, Dooxyada iyo meelaha kale ee biyo-mareenka ah, isla markaana taawarada laga dhex sameeyo magaalooyinka ay kulan gaar ah ka yeeshaan dawladdaha hoose, wasaaradda Isgaadhsiinta iyo wasaaradda Deegaanku, si ay isula meel dhigaan qorshe lagu sugayo badqabkooda.

Qodobadan guddidu soo saartay oo lagu faahfaahiyey war-murtiyeed laga soo saaray kulankaasi oo nuqul kamida uu soo gaadhay Xafiiska Radio Hormuud, ayaa u dhignaa sidan:

1.            Guddidu waxay go’aamisay in lasii wado xayiraadii saarnayd Qorshaynta Beeraha iyo bixinta Dhulka Magaalooyinka mudo lix bilood ah, Magaalooyinkii ay hore usaarnayd Xayiraado, ee kala ahaa Hargeysa, Burco Iyo Berbera, ilaa inta Wasaaradda Hawlaha Guud,Dhulka Iyo Guryeyntu usameysnayso Qorshe Magaaleed ‘’Master Plan’’.

2.            Guddidu waxay go’aamisay in shir aan caadi aheyn soo Agaasimto Wasaaradda Arimaha Guduhu, kulankaas oo ay iskugu keenayso Gudida Naqshadeynta Qaranka, kuna saabsanyahay Maps-kii Beeraha Ee Dawladda Hoose ee Hargeysa baadhitaanka ku sameysay.

3.            Guddidu waxay go’aamisay In Qorshe Qaran laga yeesho Taawaradda dhexdaadsan Magaalooyinka, kulan gaar ahna yeeshaan Golayaasha Deegaankaa Iyo Wasaaradda IsgaadhsiintaIyo Tiknoolajiyada si loogu diyaariyo goobo ku haboon.

4.            Guddidu waxay soo saartay in xuduudaha Magaalooyinku aanay dhaafi karin 5-km, kolba halka dhismuhu ku joogo, si waafaqsan Xeerka Maamulka Dhulka ee Xeer- No 17.

5.            Guddidu Sidoo Kale Waxay Mamnuucaday In Magaalooyinkaas La Qorsheynayo ee Kala Ah Hargeysa, Burco Iyo Berbera, Inaan La Qorsheyn karin Buuraha, Jeexjeexyada, Dooxyada Iyo Bababcyada ku yaala Magaalooyinkaas, Dawladda Hoose Ee Hargeysa Maamnuucdo Qorsheynta goobahaas.

6.            Guddidu waxay ay go’aamisay in waddo cabirkeedu yahay 12-M u dhaxayso madaha ‘’xuduudda’’ labadii Beerood ee isku-xigaba Dalka oo dhan.

7.            Guddidu waxay go’aamisay in Guddi ka kooban Wasaaradda Arimaha Gudaha Iyo Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta ay kasoo talo bixiyaan qaab dhismeedka, Iyo Madax banaanida Maaliyadeed, Ee Gudida Ka Garnaqa Dacwadaha Dhulka.

 

Category