Xukuumadda Iyo Bulshada Somaliland Oo Iska Kaashanaya Tayeynta Qalabka Sifeynta Kelyaha

Hargeysa(RH):-Xukuumadda Somaliland,qurbajoogta dalka iyo ganacsatada ayaa iska kaashanaya tayaynta kordhinta qalabka sifaynta kelyaha cisbitaalka Hargeysa iyo dhismaha xarun cusub oo loogu adeego bukaanka u baahan Kelyo sifeynta.

Iyada oo xilligan qaybtii kelyo sifeynta ee shaqeynaysay duugowday, isla markaana loo baahday qalab cusub iyo dhisme cusub oo sidii kuwaa hore bukaanka bilaash u ah.

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa sheegay in ay wadaan qorshe lagu sameynayo dhisme cusub iyo qalabayn waaxda sifeynta kelyaha ee cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, kadib markii fariin qaylo dhaan ahi uga timid maamulka cisbitaalka.

Agaasimaha guud waxa uu tilmaamay in ay arrintaasi iska kaashanayaan xukuumadda Somaliland, qurba-jooga dalka iyo ganacsato.

Waxaanu yidhi.“In dadka Kelyaha loo sifaynayo oo kharashka ku baxaya oo mid balaadhan ah Qaranka Somaliland ayaa damaanad qaaday, iyada oo dhaqaalaheenu yar yahay iyada oo adeeg bixinteena caafimaad ay kooban tahay, haddana waxa aynu dusha u ridanay oo xukuumadda Somaliland dusha u ridatay in aan dadka Kelyaha loo sifaynayo aan la waydiin wax lacag ah, markaad eegto waddamada innagu xeeran oo dhan meel ay sidaasi bilaash u tahay sifaynta Kelyuhu ma jirto, taasina waa ammaan uu leeyahay Qarankeenu iyo dadkeena iyo xukuumaddeenu ay leedahay weeyaan.

Marka meeshiii sidaasi ahayd ee hore waxa inagala qayb qaatay Imaaradka oo inoo sameeyay qaybtaasi oo toban mishiin oo cusubi yaaleen oo  shaqaynaysay, qaybteedii mishiinadeedii way duugoobeen dhismihiina wuu duugoobay, marka wasaaraddu waxa ay go’aansatay in dalabkii cisbitaalka uga yimid ay ka soo jawaabto ee ahaa in la hagaajiyo qaybtii ay ku shaqaynayeen Kelyuhu dhisme ahaan laydh ahaan iyo biyo ahaanba isla markaana la balaadhiyo.

Waxa kale oo iyaduna muhiim ah in uu qalab soo socdo oo laba dhinac oo kala duwan ka soo socdo qalab jaaliyaduhu inoogu deeqeen oo la dhigi doono halkan cisbitaalka Hargeysa,  waxa jira qalab iyaduna wasaaraddu iibin doonto oo ganacsatada qaar iibin doonaan mishiinadii biyaha sifaynayay, iyo shan mishiin oo kale oo wasaaraddu hawshooda gacanta ku hayso iibin doontana isla markaana lagu kabi doono tayada iyo awoodda sifaynta Kelyaha, dhab ahaantii meelaha ugu ajarka badan ay ka mid tahay in dadka kelyaha u buka la eego, qalabkooda iyo daawadoodana maalinkasta qofkasta qalab cusub ayuu isticmaalaya oo la rabaa in loogu sifeeyo kelyaha”

 

Category