Yaa lagu tuhmayaa 'afduubka' Prof. Cabdiwahaab?

NAIROBI (RH)—Muddo ku dhow toddobaad ayaa waxaa warkiisa la la’yahay Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo ah falanqeeye ka faalooda siyaasadda Geeska Africa.

Waxaa la sheegay in laga afduubtay bartamaha caasimadda Nairobi ee Kenya, welina ma cadda cidda afduubatay, laakiin waxaa la tuhmayaa in laamaha ammaanka ee dowladda Kenya uu gacanta ugu jiro, sida uu VOA-da u sheegay Axmed Qoloosh Maxamed oo ah xildhibaan laga soo doortay galbeedka Wajeer ee dalka Kenya.

Xiggasho: VOA

Category