Afhayeenka Guddida 33-ka ee Laascaanood ku sugan oo ka warbixiyay xabad joojinta iyo wadahadalada

Afhayeenka Guddida 33-ka ee Laascaanood ku sugan, ayaa sheegay in anay hirgalin xabad joojintii xukuumada Somaliland ku dhawaqday, iyo in anay wadahadal aqbalayn ilaa ciidamada Somaliland Oog tagaan.

Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Xasan Fallaalug, waxa uu sheegay in anay dhanka Somaliland ka hirgalin xabad joojintu oo ay marar kala duwan magaalada sheeda kasoo duqeeyeen ciidanka Somaliland.

"Xabad joojin ka hirgashay Sool ma jirto, Laascaanood gudaheeda xabad joojin ka hirgashay ma jirto, maalin walbana waxa socda dagaal, saaka oo u danbaysay hoobiyayaashii lasooriday waa kuwa halkan yaala" ayuu yidhi Fallaalug.

Waxa uu sheegay in anay galaynin wahadal ku salaysan tabashada dadka deegaanka, ee ay rabaan in ay Somaliland kala dhamaadaan gobolada uu kasoo jeedo, wuxuuna in la wadahadlo shuruud uga dhigay in ciidamada Somaliland ka baxaan deegaanadaas.

Waxa uu sheegay in ciidamada Somaliland ku hareeraysanyihiin magaalada, isla markaana ay gacanta ku hayaan dhamaan wadooyinka soogala, dadkii reer Laascaanood na ay ku dayacanyihiin deegaanadii ay u qaxeen.

Waxa uu beeniyay hadalkii madaxweynaha Somaliland ee ahaa in uu jiro jawi wadahadal, waxaanu sheegay in anay suuragal ahayn in ay wax wadahadal ah la furaan xukuumada ilaa oo ciidamadu baxaan.

Madaxweynaha Somaliland ayaa dhankiisa shalay sheegay in uu jiro jawi wadahadal, isaga oo sheegay in arrinta Sool ay tahay mid Somaliland gudaheeda ah, loona baahanyahay in sidaas loo wajaho.
 

Category