Cayaaraha Olombikada oo markii ugu horreysay meel ka baxsan garoomada lagu qabtey

Paris (RH)-Magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska, waxaa xaley si rasmi ah uga billowday cayaaraha Olombikada, waana markii ugu horeysay lagu qabto meel ka baxsan garoommada lagu ciyaaro, oo waxaa kalkan lagu qabtey wabiga Seine ee magaalada Paris oo ku yaala dhabarka dambe taalada.

Taageereyaal lagu qiyaasay 300,000 ayaa ku safray doonyo iyagoo maraya labada dhinac ee webiga si ay goobjoog uga noqdaan dhacdadan taarikhiga ah.'

Ilaa 100 doonyood oo ay saaran yihiin 10,500 oo ciyaartoy oo matalaya 206 guddiyada olombikada qaranka ayaa tegay fagaaraha Eiffel Tower, halkaas oo lagu shiday shuxladda ololka Olombikada, isla markaana si rasmi ah loogu dhawaaqay furitaanka ciyaaraha Olombikada Paris.

In ka badan 100 hoggaamiye oo isugu jira madaxweynayaal iyo masuuliyiin kale oo matalaya dowladaha caalamka ayaa ka soo qeyb galay oo ay ku jiraan ra’iisul wasaare Sir Keir Starmer iyo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa ku dhawaaqay furitaanka cayaaraha, isagoo sheegay in uu ku faraxsan yahay Paris in ay martigaliso cayaaa Olombikada
Saamaynta colaadaha ayaa laga dareemayaa ciyaaraha Olombikada, iyadoo Ruushka iyo Belarus la mamnuucay ka dib duulaankii Ruushka ee Ukraine.

Radio Hormuud

Studio 2

London UK

Category