Ciidanka Dab-demiska Oo Ku Guuleystay Daminta Dab Ka Kacay Xaafada 150-ka ee Magaalada Hargeysa

Hargeysa(RH)Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa Goordhaweyd Gurmad Adag ka gagalay Dab-Qabsaday guri ku yaala  Xaafada 150 ka ee Degmada Ibraahim Koodbuur ee Caasimada Hargeysa.

 

Ciidanka ayaa markii lagu soo wargaliyey Dabkaasi uga hawlgalay si Deg-deg ah waxaana ciidanku ku guuleystay daminta dabkaaa iyadoo ciidanku ku xakameeyay dabkaas isla halkii uu ka bilaabmay, sidoo kale ciidanku wuxuu dabkaa ka xakameeyay guryo badan oo ku hareeraysnaa gurigaas dabku ka bilaabmay.

Hawlgalkan ayaa waxaa hogaaminayay Hogaanka Hawlgelinta Ciidanka Dab-demiska Qaranka Taliye Cabdifataax Maxamed Xaashi(Sulux) iyo dhamaan saraakiisha ciidanka oo hawlgalkaa iyo daminta dabkaa ku guuleystay.

 

Laamaha amaanka iyo maamulka degmada Ibraahim koodbuur ayaa iyaguna ciidanka dabdemiska Qayb kala ahaa Hawlgalkan Daminta dabka, kuwaasi oo badanaaba kala hawlgala ciidanka hawlgalada.

Category