Dowlada Ethiopia Oo Daah-furtey Qaybinta Lacag Cusub Oo ay Soo Daabacday

Addis -baba(RH):-Dowlada Itoobiya Ayaa si rasmi ah U Daah-furtey qaybinta lacag cusub oo ay dhawaan Soo Daabacday .

Dowlada Itoobiya Isniintii la soo dhaafay soo bandhigtay Noocyo Cusub oo lacag ah oo laga isticmaalidoono Dalkaasi Itoobiya,Lacagtan Cusub ayaa ah mid Badali doonta Guud ahaan lacagtii hore Dalkaasi looga isticmaali jirey ee loo yaqaanay Birta.

Lacagtaasi cusub ee la soo Daabacay Ayaa Cadadkeeda  lagu sheegay 2.9 bilyan Oo Bir,waxaana lagu kharash gareeyay daabacaadda lacagtaasi cusub 3.7 bilyan oo bir ,Lacagtan cusub ee lacagtii hore lagu beddelayo ee loo yaqaan Birta ayaa ka kooban 10 Bir,50 Bir iyo 100 ilaa 200 Bir,Halka Lacagta 5 Birta  ah aan wali la baddelin

Dowlada Itoobiya ayaa U jeedada lacagtan Cusub ay u soo Daabacday ku Tilmaamtey Talaabo lagu Xakamaynayo musuq-maasuqa iyo Ganacsiga Sharcidarada ah ee loo yaqaan koontarabaanka iyo sidoo kale in hay'adaha maaliyadeed looga Taageero  inuu Qiimo dhac ku yimaado lacagta Dalka.

Baanka Guud  ee Itoobiya  (NBE) ayaa Maanta si rasmi ah magaalada Addis-Ababa uga bilaabay qaybinta lacagtaasi cusub,Waxaana Madashaasi lagu Daahfurey Lacagtaasi cusub Goob-joog ka ahaa Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Gobolka NBE Dr Yinager Dessie iyo Madaxweynaha Bangiga Ganacsiga ee Itoobiya (CBE) Abie Sano

 

 

 

 

 

Category