Dumarka dalka Hungary oo loogu baaqey in ay caruurbadan dhallaan si ay dhaqaale u hellaan

Dumarka dalka Hungary ee dhala afar carruur ah ama kabadan ayaa laga dhaafi doonaa canshuuraha dhaqaalaha soo gala inta ay nool yihiin, sida uu sheegay ra'iisulwasaaraha dalkaas, isaga oo soo bandhigaya qorshe loogu talagalay in sare loogu qaado ubadka ku dhasha dalkaas.

Waa qaab lagu hagaajinayo mustaqbalka dalka Hungary iyadoo aan lagu tiirsanaanayn soo galooti, ayuu yiri Viktor Orban.

Ninkan oo wadaniyada ku kalax tagay siyaasadiisuna ay tahay garabka midig ayaa si gaar ah uga soo horjeeda muhaajiriinta Muslimiinta ah.

Bulshada ku nool dalka Hungary ayaa sannad kasta hoos u dhacda 32,000, dumarka dalkaasina waxay dhalaan carruur ka tiro yar kuwa ay dhalaan dumarka dalalka Qaaradda Yurub celcelis ahaan.

Tallaabooyinkan waxaa ka mid ah in lamaaneyaasha da'da yar la siiyo daymo aan dulsaar lahayn oo gaaraya 36,000 oo doolarka Maraykanka ah, lagana saamixi doono markay saddex carruur ah dhalaan.

Orban ayaa sheegay in sababta ay Reer Galbeedka dhashu ugu yaraanayso ay tahay soo galootiga Yurub "loona baahan yahay in ilmo kaste oo meesha ka baxa lagu badalo in uu mid kale yimaaddo, markaasna ay sidaa tiradu ku hagaagi doonto.

"Dadka dalka Hungary sidaas way ka duwan yihiin, ayuu yiri. Uma baahnin tiro uun ee waxaan u baahannahay carruur reer Hungary ah.

mkjhy

Intii uu Orban khudbaddan u jeedinayay qaranka, mudaaharaadeyaal arrintan ka soo horjeeda ayaa caasimadda Budapest ku qabtay mudaaharaad ay dawladda uga soo horjeedaan.

Dad lagu qiyaasay ilaa 2,000 ruux ayaa isugu soo baxay bannaanka xafiiskiisa, kuwo kalana waxay gooyeen buundada dul marta wabiga Danube.

Saxafiyiintu waxay ku soo warramayaan in aad loogu sacabeeyay markii uu ku dhawaaqay toddobada qodob ee loogu talagalay in ubadka dalkaas lagu kordhiyo.

Qorsheyaasha kale ee dawladda waxaa ka mid ah:

  • In la sameeyo 21,000 oo xarumood oo carruurta lagu nuujiyo muddo saddex sano gudahood ah.
  • In 2.5 bilyan oo doolar oo dheeri ah lagu bixiyo xarumaha caafimaadka ee dalkaas.
  • Guryo qiimo jaban
  • Iyo dawladdu ay caawiso dadka iibsanaya gawaarida toddobada ruux qaada

Orban ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay "Hungary ha noolaato, dadka Hungary-na ha noolaadaan!.

Cecelis ahaan dumarka Hungary waxay dhalaan 1.45, taas oo ka dhigaysa in dalkaasi uu ka hooseeyo tirada dhalmada ee Midawga Yurub marka celcelis ahaan laga hadlayo taas oo ah 1.58

Faransiiska ayaa ah dalka ugu dhalmo badan Midawga Yurub waana 1.96, Spain ayaana ah dalka ugu dhalmo yar iyadoo ay dumarku dhalaan 1.33.

Niger oo ku yaala Galbeedka Afrika ayaa ah dalka ugu dhalmo badan adduunka celcelis ahaana haweenku waxay dhalaan 7.24.

source.BBC

Category