RH Kolding: Basar ku yaalla Storegade 225A, Esbjerg Ø, oo lagu magacaabo Esbjerg Bazar, ayaa wajahaya dhaleecayn ku saabsan arrimo nadaafad-darro ah kaddib booqasho ka timid Hay’adda Maareynta Cuntada ee Denmark (Fødevarestyrelsen). Kormeer dhacay 20-kii November ayaa keenay in basarka la siiyo calaamadda "Sur smiley" iyo ganaax dhan 5,000 krone, taas oo sababtay muran weyn.
Waxyaabaha la sheegay in la helay:
- Kuleerada madoow ee lagu kaydiyo khudradda waxaa laga helay wasakh iyo meelo u eg caaryaal (skimmel), oo ku faafay dhamaan meelaha gudaha, sida shabagyada hawada iyo hoosta shelfyada.
- Kuleerada cadna waxa ay lahayd meelo madow oo u eg caaryaal hoosta shelfyada, iyadoo wax walba lagu hayey xaalad nadaaafad-darro ah.
- Alaabada lagu kaydiyey kuleerada waxaa ka mid ahaa miro, khudaar, iyo xawaashyo aan duubnayn ama aan xidhneyn.
Zaher Mohammad Sulaiman, mulkiilaha basarka, ayaa ka horyimid dhaleecaynta, isagoo sheegay in ay tahay eedeyn aan xaq ahayn. Wuxuu sheegay in:
- Hay’adda maareynta cuntadu ay si gaar ah u bartilmaameedsato ganacsigiisa, iyadoo sannadkan oo kaliya ay booqdeen sagaal jeer, taas oo ku kacday kharash badan ''sannadkii hore waxay iganaaxeen 70.000 sanadkana waxay ku dhowdahay 80.000 ayuu yidhi Zaher.
- Sawirkii loo sawiray xaaladda basarka uusan xaqiiqo ahayn, wuxuuna sheegay in qaabka lagu keydiyo alaabta uu la mid yahay kan dukaamada waaweyn ee Netto iyo Lidl.
- Wuxuu ku dooday in waxa loo sheegay inay yihiin "skimmellignende" aysan ahayn caaryaal dhab ah.
Fikrada Hay’adda Maareynta Cuntada:
- Waxay caddeeyeen in booqashooyinkooda ay yihiin kuwo caadi ah, oo la raacayo habraac rasmi ah oo ku saleysan xeerarka nadaafadda.
- Waxay ku adkeysteen in qoraalladooda kormeerka ay yihiin kuwo sax ah, oo taageero ka helaya sawirro caddeyn ah.
- Maamulaha hay’adda, Jørgen Andersen, wuxuu sheegay in erayga “skimmellignende” la isticmaalo, maadaama aysan awoodin in ay goobta ku sameeyaan baaritaanno farsamo oo go’aan kama dambeys ah laga gaaro.
Is-mariwaaga Labada Dhinac:
- Zaher Mohammad wuxuu sheegay inuu ka fikirayo in uu maxkamad u gudbiyo kiiskan, maadaama uu dareensan yahay in si aan caddaalad ahayn loola dhaqmay.
- Hay’adda Maareynta Cuntada waxay sheegtay in shaqaalaheeda lagu hanjabay oo lagu qayliyay intii lagu guda jiray kormeerka, taas oo keentay in ay abaabulaan kulan wadahadal ah oo isna ku dhammaaday muran.