Faahfaahin:Meydka labo qof oo laga helay magaalada Hargeysa

Hargeysa (RH)-Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa, ayaa sheegaya in saaka waabarigii xaafada Shacabka laga helay meydka labo qof.

Meydka labada qof oo ah nin iyo dumar ayaa iIllaa hadda lama yaqaano sababta la dambeesay dhimashooda.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in meydka labada qof aan lagu arkin wax dhaac ah, waxaana socda baaritaan ay wadaan saraakiisha ammaanka iyo kuwa caafimaadka.

Dhacdadan ayaa si wayn uga naxday dadka ku nool magaalada Hargaysa.

Labada qof ee maydkooda ayaa laga soo saaray gaari yaallay xaafadda Shacab.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in wiilka uu ka mid yahay laamaha ammaanka madaxtooyada.

Eheladooda labada qof ee maydkooda laga helay ayaa ku sugan isbitaalka wayn ee magaalada Hargaysa.

Radio Hormuud

Studio 3

Hargaysa-Somaliland

Category