Golaha Guurtida Somaliland Oo Shir Deg-deg Ah la iskugu yeedhay

Hargeysa(RH):-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa kulan deg deg ah ugu baaqay Mudaneyaasha Golaha Guurtida oo fasax ku maqnaa mudo.

Xoghayaha Guud ee Golaha Guutida Somaliland Cabdinaasir Beegsi, ayaa warbaahinta u sheegay in Shirguddoonka Guurtidu ku wargelinayaan Mudaneyaasha Guurtida fadhi aan caadi ahayn maalinta isniinta ee 1-02.2021-ka.

Fadhigan ayaa lagaga hadlidoonaa arrimaha doorashooyinka dalka gaar ahaana Golayaasha wakiilada iyo Deegaanka oo mudooyinkii u dambeeyey qabsoomidooda dood badani ka taagnayd.

Xildhibaanada golaha guurtida Somaliland ayaa la filayaa inay go’aan ka soo saaraan isla markaasina ay iswaafajiyaan muddo kordhintii ay hore golaha guurtidu ugu sameeyeen Xildhibaanada golaha Wakiilada Somaliland oo mudo xiloodkoodu ku eegyahay 12/01/2022-ka iyo mudadii ay Gudida Doorashooyinka Qaranka Somaliland dhawaan u mudeeyeen in lagu qabto Doorashooyinka Wakiilada iyo Deegaanka oo ah 31 May 2021

Golaha guurtida Somaliland ayaa markay goaan ka soo-saaraan arimaha doorashooyinka , Madaxweynaha Somaliland ayaa ku dhaqangalindoonaa wareegto

 

 

Category