Guddoomiyihii Urur Siyaasadeedka Waabari Oo Iskaga Baxay Siyaasada Somaliland

Hargeysa(RH):-Guddoomiyihii urur siyaasadeedka Waabari Cabdirisaaq Ibraahin Ataash, ayaa sheegay in uu gabi ahaanba ka baxay siyaasadii Somaliland, Cabdirisaaq Ibraahin Ataash  oo ka soo jeeda gobolka sool wuxuu taageeray go'aamadii ka soo baxay shirkii garaadada dhaqanka ee gobolka Sool.

Waxaanu yidhi“Waan iskaga baxay siyaasadii somaliland oo waxaan ku noqday ganacsigaygii

Cabdirisaaq Ibraahin Ataash , ayaa ku baaqay in Somaliland ixtiraamto go'aankii garaadada dhaqanka ee ahaa in Somaliland ay ka baxdo deegaanadaas, isaga oo sheegay in Somaliland iyadu ogolaatay in shirka Laascaanood dhaco.

Waxaanu yidhi."Aniga waxay iila muuqdaan in lagu ixtiraamo go'aamadooda, wanan raacsanahay in lagu ixtiraamo, awalna way mudnayd hadana way mudantahay, Somaliland iyada ayaa ogolaatay, mar hore iyo mar danbeba".

Waxa uu sheegay in doonista shacabka reer Sool aan xoog lagu joojin karin, loona baahanyahay in la helo si kale oo xal lagu gaadhi karo, balse  hadda ciidamada laga saaro gobolka.

Waxaanu yidhi."Qadiyadaydu way caddahay oo waxa weeyaan in dagaalkaana deg deg loo joojiyo ciidamada meeshaa joogana deg deg looga soo qaado, oo gobolka laga soo saaro, ciidamada waxan ku talinaya in la geeyo magaalada Oog"

Ataash waa guddoomiyihi labaad ee urur siyaasadeed ee siyaasada Somaliland iska casila tan iyo markii ay bilaabantay dirirta ka aloosan magaalada Laascaanood, hore waxa isku casilay guddoomiyihii ururka Shacabka Saleebaan Ciise Axmed Xagla Toosiye.

Category