Gudida Doorashooyinka Somaliland Oo Shir La Yeeshay Wefti Ka Socda Beesha Caalamka

Hargeysa(RH):-Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa kulan balaadhan la yeeshay maanta wefti ka socda Beesha Caalamka iyo Jimciyada quruumaha ka dhaxaysa oo booqasho ku yimi dalka.

Weftigan oo ka socda dawladdaha UK, Denmark, Sweden, Germany, Finland, Norway, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay, ayaa kulanka kula yeeshay Guddida Doorashada Xafiiskooda guud ee Magaalada Hargeysa.

Kulanka ayey labada dhinac diirrada ku saareen Doorashooyinka soo socda ee deegaanka & Wakiillada ee dalka ka dhacaya bisha May, iyadoo laga duulayo horumarka uu Komishanka Doorashooyinku ka gaadhay Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha iyo arrimaha ka-qaybgalka Haweenka, dhallinyarada iyo beelaha laga tirada badan yahay ee Doorashada goleyaashan, taasoo ah dheeli-tir iyo hanaan loo dhan yahay.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Guddida Doorashooyinka Somaliland, labada dhinac waxay ka wada-tashadeen arrimo badan oo muhiim ah, oo ay kamid yihiin sidii ay wada-shaqeyn dhow u yeellan lahaayeen Guddida Doorashada iyo Beesha Caalamka oo ay kujiraan Wadamada iyo Ururada Caalamiga ee taageerada siiya Somaliland, iyagoo isku raacay qodobadii kulankaasi lagu gorfeeyey.

“Kulankani wuxuu ahaa horumar la taaban karo oo ku aaddan iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Beesha Caalamka ee ku saabsan arrimaha Geedi-socodka Doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda”ayaa lagu yidhi Qoraalka Guddida Doorashadu ka soo saareen natiijada kulnankaasi.

Xukuumadda Somaliland, ayaa hore u balanqaaday in ay Doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaamada dhqaalaha ku baxaya maal-gelinayso dawladdu, isla markaana uu qaranku isku-tashi ka gaadhay sugida taageerada qaadhaan-bixiyeyaasha caalamka oo bilihii la soo dhaafay ku mashquulsanaa Siyaasadda jahawareersan iyo  Doorashooyinka wakhti dhaafay ee dalka Soomaaliya, iyadoo Imaanshiyahooda xilligani u muuqdo mid ku yimi natiijo la’aanta iyo waji-gabaxa ka haysta dalkaasi oo ay u caal-waayeen xasilinta Doorashooyinkiisa iyo Siyaasaddiisa gudaha oo ay wakhti dheer  dhaqaale la daba-jooggeen.

Geesta kale, Weftigan ayaa maalintii Salaasadda kulamo gooni-gooni ah la yeeshay hogaanka Asxaabta Qaranka Somaliland, ururrada Bulshada rayidka ah iyo laamaha kale ee ay wada shaqaynta ka leeyihiin howlaha Doorashooyinka.

 

Category