Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Oo Baaq Nabadeed U Direy Bulshada Ceel-Afweyn

Hargeysa(RH):-Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan  oo qaar ka mid ah Warbaahinta kula Hadley Magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu Baaq Nabadeed u Direy Beelaha Walaalaha Ah ee wada-daga Gobolka Sanaag ee Dirirta soo noq-noqotey ku dhexmareyso Deegaanka Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag.

 

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa Bulshada ku dhaqan Degmada Ceel-Afweyn waxaa uu Ugu Baaqay inay joojiyaan Colaada oo ay qaataan Nabad waarta. "Dadkaas bariga waxaan leeyahay nabad qaata oo is dhawra oo xanaanaysta oo walaalooba anagana warwarka iyo walaaca naga daaya, intaas aad is dilaysaan anaguna waanu naxaynaa oo ma nabad qabno.” Ayuu yidhi  Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland

Category