Hay’adda Caymiska Somaliland Oo Amaro Cusub Dul Dhigtay Gaadiidka Dalka

Hargeysa(RH):-Guddoomiyaha hay’adda caymiska Qaranka Somaliland, Saleeban Cawad Cali (Bukhaari), ayaa sheegay in sannadka soo socda bishiiisa koobaad gaadhigii aan Caymis lahayni inuu jidadka maro an la aqbali doonin.

Sidoo kale waxa uu xusay in ay soo saareen wareegto gaadiidlayda kala duwan ee ku sugan gudaha dalka ku waajibinaysa in la caymiyo dhibaatada uu gaysto gaadhiga qofku uu wato.

Dhanka kale agaasimaha guud ee hay’adda caymiska Qaranka Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Muuse Cabdi, ayaa sheegay in wareegtadan ay tahay mid  hirgelinaysa oo fudaydinaysaa, in dekaddii la isticmaalo, isaga oo ku  sababeeyay in  jidka isku xidha Berbera ila Wajaale gaadiidka mara bila caymis ay ku marayeen.

 

Waxaa Kale Oo Wareegtadan Lagu Sheegay In Ay Dhaqangelayso Isla Maalintii Ay  Soo Baxday, Isla Markaana Ay Waajib Ku Tahay Dhammaan Gaadiidleydu Inay Galaan Caymis, Si Looga Baaqsado Dhibta Ay Dadku Qabaan Bixinta Magaha Ka Dhasha Shilalka Gaaiidka

Guddoomiyaha hay’adda caymiska Qaranka Saleeb Cawad Cali Bukhaari isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi. “Hay’adda caymiska Qaranku waxa ay soo saartay wareegto waajibinaysa Caymiska gaadiidka ee dhinaca saddexaad,  ujeedadeeduna tahay in la caymiyay dhibaatada uu gaysto gaadhiga aad wadatid ama ka ganacsiga aad ku sameynaysid, ama adigu aad leedahay.

Haddaba inaga oo ka duulayna baahida loo qabo Caymiska oo imikaba madax dhaqameedka iyo odayaasha iyo dadweynuhu ay khaati ka taagan yihiin gaadhi gaystay mag, lagana yaabo in ay tiro badan tahay, deetana la yidhaaho ninka gaadhiga leh iyo qofka adhigiisa ku raacanaya hawdka intuba ha bixiyeen dhibtii uu keeno, taasi waxa ay noqotay in cabasho badan iyo culays badani ka timaado lagana yaaba in la yidhaaho berri ma waxa la qabanaya gaadhiga soconaya, iyada oo la weydiinayo caymiskiisi jawaabtu waa maya.

Waxa aanu siinayna wakhti ay ku dhammeystirtaan hawshaasi, ma laba biloodba, ma lix biloodbaa, ma saddex biloodba, kay noqoto balse waxa aanu ku qanacsanahay sannadka soo socda bishiiisa koobaad gaadhigii aan Caymis sidani waddada in aanu mari doonin”

“Gaadiidka oo ah mid mihiima oo waddankeenu aad ugu baahan yahay, waxa maanta laga bilaabo haddii ILLAAHEY yidhaaho, inoo bilaabo maanta in ay mihiim tahay in la caymiyo gaadiidka noocyadiisa kala duwan, sababto waa mid inoo mihiima”Ayay tidhi guddoomiye ku xigeenka hay’adda caymiska Qaranka marwo Sahra Aadan Yuusuf.

Agaasimaha guud ee hay’adda caymiska Qaranka Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Muuse Cabdi, ayaa sheegay in wareegtadan ay tahay mid  hirgelinaysa oo fudaydinaysaa, in dekaddii la isticmaalo, isaga oo ku  sababeeyay in  jidka isku xidha Berbera ila Wajaale gaadiidka mara bila caymis ay ku marayeen.“Wareegtadan waxa ay hirgelinaysa oo ay fudaydinaysaa in dekaddii la isticmaalo, sababto ah jidka isku xidha Berbera ila Wajaale gaadiidka mara bila caymis ayay ku marayeen, haddii shil dhaco dhibaato badan ayaa soo gaadhi jiray waxaanay wareegtadani xal u noqonaysa arrinta mudada badan hortaagneyd”

Category